Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo Casuumad u fidiyey Madaxdii hore dalka iyo kuwii dowlad gobolleedyadii hore

By SB
Last updated: June 5, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Iyadoo la tixraacayo baaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, jeediyey iyo farriintiisii Ciidul-Fidriga ee taariikhdu ahayd 30-ka Maarso 2025, kaasoo ku baaqay in la bilaabo wadatashi qaran oo ballaaran, Madaxweynaha ayaa gudagalay wadahadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran. Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran.

Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’an yahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka. Kulamadan waxay bixiyeen xog iyo aragtiyo qiimo leh oo ka tarjumaya baahida iyo himilada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo uu wadatashigu sii socdo, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan sare uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, si waayo-aragnimadooda iyo taladooda looga faa’iidaysto.

Kadib kulamadan, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo qabsoomo doona 22-ka Juun 2025. Kulankaas ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro go’aamo rasmi ah. Natiijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.

Geeddi-socodkan loo dhanyahay wuxuu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah: in la dhiirrigeliyo wadatashi qaran iyo in la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Kulanka madaxda hore wuxuu noqonayaa madal muhiim u ah talo-wadaag, halka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka oo ah hay’adda keliya ee sharci-dejinta ay xaqiijin doonaan in go’aamada lagu saleeyo hab-raaca dimuqraadiyadeed iyo sharciga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka go’an in uu horumariyo hannaan Soomaaliyeed oo taladiisu tahay mid Soomaali leedahay, kaas oo ku saleysan xikmad Qaran wadajir iyo ilaalinta waajibaadka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

-DHAMMAAD-

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tababar xirfadeed Dhuusomareeb loogu soo gabagabeeyey 175 xirfadle.

Muqdisho(SONNA):-Xirfadlayaashan oo tiradoodu dhantahay 175 qof ayaa 165 ka mid ah loo tababarey tacbashada Beeraha waaweyn iyo wax soo saarka…

GudahaWararka
April 5, 2021

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dhiirri-geliyey Maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka dalka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee…

Wararka
March 27, 2023

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay  Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay…

Wararka
March 17, 2021

Madaxweyne Dani oo abbaalmariyay ciidamo iyo madax ka tirsan gobolka mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinaayey ciidamo iyo mas’uuliyiintii kale oo…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023