Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta waxqabadkaToddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta waxqabadkaToddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta waxqabadkaToddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: June 7, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey ansixinta warbixinta dalabka Soomaaliya ay ku dooneyso ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeya Madaxweyna Turkiga ee dib loo doortey, kana qeybgaley caleema saarka Madaxweyne Erdogan oo ka dhacay magaalada Ankara.

3- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweyne looga doodayey xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

4- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo howlaha ku aadan la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan deegaanno kamid ah dalka.

5- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bilaabay kormeerka wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kale ee dowladda oo uu ugu kuurgelayo dardar-gelinta adeegyada loo fidinayo bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xukuumadda looga fadhiyo inay door ku yeeshaan dhaqan-gelinta soo jeedintii hannaanka doorashada ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

7- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in shacabku ay helaan garsoor caddaalad ah, oo loo dhanyahay, laguna kalsoon yahay.

8- Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-Bannaan.

9- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmey Wasiiru Dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Guddiga Qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 63aad ee xoriyadda dalka.

11- Imtixaankii heer qaran ee sugsiyada sare ee dalka oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaas oo socday intii u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

12- Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka Carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo baniโ€™aadminimada ku yeeshay magaalada Dooxa.

13- Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM Marwo Catriona Laing ayaa soo gaartey magaalada Muqdisho si ula wareegto xafiiska.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Oslo kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Anniken Huitfeldt. iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala.

16- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan ay yeelanayaan wasaaradaha maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaalida Mukhtar Mohamed Ware oo ka wadahadley iskaashiga labada dal.

18- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya oo ku wargelisay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Mudane Isaaq Mursal oo magaalada Lusaka kaga qeybaley shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Bariga iyo Afrikada Koonfureed ee COMESA.

20- Ciidamada amniga ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ku soo bandhigay 10 xubnnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.Xarigga xubnahan ayaa dhirbaaxo ku ah Khawaarijta oo qorsheynayay weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 15 sanno oo xabsi ah ku xukuntey Warsame Cabdi Xasan Aadan oo ka tirsanaa argagixisada Daacish.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday 36 dembiile ajaanib ah oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Dembiileyaashan u kala dhashay Iran iyo Pakistan ayaa midkiiba lagu xukumey inuu bixiyo ganaax dhan 11 kun oo dollar midkiiba.

23- Ciidanka Kumandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen 3 xubnood oo muhiim u ahaa Khawaarijta.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare uga waramey qorshaha arrimaha dib u heshiisiinta iyo federaalka.

25- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Taliyaha Ciidamada Boqortooyada Sacuudi Caraabiya General Fayyad Al Ruwaili oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada.

26- Ciidanka Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

28- Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Baniโ€™aadamnimada iyo Gargaarka ee dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

29- Imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay. Waxaana sannadkan u fariistay arday tiradoodu gaareyso 31,688.

30- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa sheegay in si rasmi ah ay bilowdeen duulimaadyada xujeyda Soomaaliyeed ku tegayaan xajka sannadkan.

31- Ciidanka Booliska Soomaaliya oo yeelanaya xarun cusub oo loogu talagaley farsamada doomaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, kaas oo hirgelintiisa ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

32- Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka iyo Hayโ€™adda Gargaarka Aadmiga ee Boqor Salmaan ayaa gargaar u fidiyey qaar ka mid ah dadka ay Khawaarijta ka soo barakiciyeen degaannadooda.

33- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General General Odowaa Yusuf Raage ayaa magaalada Djibouti kaga qeybgaley sannadguuradii 46-aad ee asaaska Ciidanka Djibouti.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgallo ciidan oo lagu sugaayey amniga oo ka dhacay duleedka Berdaale

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Baay Maxamed Xasan Caracas iyo Talisyada kala duwan…

Gudaha
May 31, 2024

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xaqiijisay 20 kiis hore leh oo Covid-19 ah

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradad Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu soo gaaray warbaahinta…

Wararka
April 16, 2020

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta gaaray magaalada Balcad+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Raโ€™iisul…

GudahaWararka
November 11, 2021

Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in ay gacanta ku soo dhigto shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Muqdisho(SONNA):-Hayโ€™adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL…

GudahaWararka
March 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023