Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: December 22, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

4- Madaxda qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

6- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Djibouti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee aragti wadaagga Machadka Heritage, kaas oo diiradda lagu saaraya kobcinta dhaqanka nabadda ee Geeska Afrika.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo ka qeybgelaya tartanka madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

18- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

21- Ciidamadda Xoogga Dalka oo Khawaarijta Al Shabab ka saarey Mesagawaa iyo Ceel Dheer oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Gargaarka oo deeq Daawo iyo Raashin ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kala wareegtay Wasaaradda…

GudahaWararka
November 4, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.…

GudahaWararka
August 19, 2023

NISA oo Dekada iyo Garoonka Muqdisho mar kale ku qabatay Saanad Ciidan oo khawaarijta loo waday

MUQDISHO-(SONNA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay…

GudahaWararka
May 20, 2023

Guddiga farsamada ee xaaladda kala-guurka AMISOM iyo midowga Afrika oo gaaray Heshiis is-afgarad+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga farsamada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa ka…

GudahaWararka
January 22, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023