Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: December 22, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

4- Madaxda qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

6- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Djibouti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee aragti wadaagga Machadka Heritage, kaas oo diiradda lagu saaraya kobcinta dhaqanka nabadda ee Geeska Afrika.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo ka qeybgelaya tartanka madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

18- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

21- Ciidamadda Xoogga Dalka oo Khawaarijta Al Shabab ka saarey Mesagawaa iyo Ceel Dheer oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha shacabka oo soo gabangabeeyey dood ku saabsan xasaanadda iyo safarada Xildhibaanada

Muqdisho (SONNA):  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye…

GudahaWararka
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.…

GudahaWararka
August 4, 2024

Madaxweyne Xasan oo Qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay kulan ay qabteen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool…

GudahaWararka
February 13, 2023

Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)

Dowladaan kama duwana Dowladaha Adduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023