Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis

By SB
Last updated: July 4, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):’Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Khamiis, 4-ta July 2024

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan xuska maalinta xornimada iyo midnimada dalka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee qaranka ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah la qaatay masโ€™uuliyiinta hayโ€™adaha dowladda federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey wareegto lagu dhisayo Sanduuqa Qaran ee Cimilada, waxaana madaxa xafiiskaasi loo magacaabey Liibaan Daahir Obsiiye.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii xornimada dalka.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ambabaxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq,kadib casuumad uu ka helay Raโ€™iisul Wasaaraha Ciraaq.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

14- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamnka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

15- Kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka 11-aad oo furmi doona 6-da Bisha Luulyo 2024.

16- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, iyagoo wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad 1869kii.

19- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Haji Adam ayaa soo xirey munaasabadda daahfurka Shirka Guddiga heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed.

20- Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

21- Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wada-hadlo muranka ka dhashay is afgarad beenaadkii ay Ethiopia la gashay maamulka gobollada waqooyiga.

22- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

23- Ciidanka Nabadsugidda ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

 

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimsha dibadda XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ka socday Dalka Finland

Muqdisgo.SONNA...Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka…

Gudaha
April 7, 2023

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku dhaqan duleedka Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta deegaanka Garasbaaley si gaar ah Waaxda Weydoow waxay gargaar ugu qaybisay…

GudahaWararka
January 23, 2024

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho...SONNA... Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe) oo goobta qaraxa tagay ayaa warbaahinta uga warbixiyay khasaarah ka dhashay…

GudahaWararka
July 10, 2021

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya maaraynta khataraha musiibooyinka

Rome-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah…

GudahaWararka
July 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023