Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis

By SB
Last updated: July 4, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):’Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Khamiis, 4-ta July 2024

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan xuska maalinta xornimada iyo midnimada dalka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee qaranka ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey wareegto lagu dhisayo Sanduuqa Qaran ee Cimilada, waxaana madaxa xafiiskaasi loo magacaabey Liibaan Daahir Obsiiye.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii xornimada dalka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ambabaxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq,kadib casuumad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

14- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamnka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

15- Kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka 11-aad oo furmi doona 6-da Bisha Luulyo 2024.

16- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, iyagoo wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad 1869kii.

19- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Haji Adam ayaa soo xirey munaasabadda daahfurka Shirka Guddiga heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed.

20- Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

21- Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wada-hadlo muranka ka dhashay is afgarad beenaadkii ay Ethiopia la gashay maamulka gobollada waqooyiga.

22- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

23- Ciidanka Nabadsugidda ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

 

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada amniga caasimadda oo gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo dadka dhac u geysanayay

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada amniga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay labo nin oo hubeysan, kuwaas…

GudahaWararka
January 14, 2023

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay  Maamulka cusub ee Magaaladda Dhuusamareeb.

Muqdisho (SONNA)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu Magacaabay Maamulka Magaaladda Dhusamareeb ee Xarunta Maamulkaasi. Halkaan…

Wararka
March 10, 2020

Taliska Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarixii saakay ka dhacay Ceelasha Biyaha

Muqdisho-(SONNA)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ciidamadda…

GudahaWararka
October 21, 2023

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay hawlaha xafiiska UNTMIS

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo gebagebeeyay kulan…

GudahaWararka
January 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023