Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: August 15, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada Warta Nabadda, isla markaana qaatey kaarka codbixinta.

2-Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr. Aisa Kirabo Kacyira oo ahayd Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxii Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo isla markaana faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray xukuumadda in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameysay xaaladda ka taagan gobolka Gedo.

5-Ra’iisul Wasaare Ku-XIgeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb-galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad kasta dunida laga xuso ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey hindise sharciyeed la xiriiray dhanka macdanta iyo qodob kale oo khuseeyay Xeer-Nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-Siinta Gaarka ah.

8-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir la yeeshay culumada diinta, ganacsato iyo wakiillo ka socday shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada waaweyn ee dalka, si looga wada hadlo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu ku saameysay ee ku nool Gobolka Awdal.

9-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

10-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray goobaha ay Ka socdaan hawlgallada sifeynta Khawaarijta iyo fariisimaha Ciidamada Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhowaan laga eryay argagixisada.

11-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

12-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Kuwait kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait Cabdullaahi Cali Cabdulladalahi Al-Yahya.

13-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallim ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta fursadaha waxbarashada iyo teknoolojiyada casriga ah.

14-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ,ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada Kala-Guurka ee Soomaaliya Danjire James Swan.

15-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson, iyagoo kulanka diiradda lagu saray iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada.

16-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

17-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, oo uu hoggaaminayey La-Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, S/Guuto Ziyad Daha Cali .

18-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku ridday Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14 Oktoobar,oo lagu qabtay basaasnimo iyo u adeegid kooxda Khawaarijtu.

19-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Algiers ee dalka Algeria.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Algeria, Mudane Axmed Ataf, kaas oo loogay hadlay dhinacyada iskaashiga amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha.

21-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Qurat-ul-Ain Sadozai.

22-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard Hiley, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Matthew Younger.

23-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegtay in dowladda dhaqan gelisay nidaamka casriga ee dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah laga hirgeliyay 19 degmo oo ka tirsan maamul goboleeyada dalka.

24-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Ciraaq, oo uu hoggaaminayo La-Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Sarreeye Guuto Ziyad Daha Cali ,oo booqoasho rasmi ku yimifd dalka.

25-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiskaee XFS oo kaashanaysa Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Galmudud) ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ku qabatay tabbabar ku sabsan anshaxa warbaahinta ee tabinta doorashooyinka oo ay ka qaybgaleen 40 suxufiyiin.

26-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaanka istaraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

27-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ku dhawaad 120 Khawaarij ah lagu dilay magaalada Bariire, iyadoo cadowga halkaas looga furtay hub iyo saadka ciidamada oo badan .

28-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa magaalada Sanca kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Yemen Caydruus Qaasim Al -Zubeedi ,iyagoo ka wadahadlay ka hortagga khataraha sida burcad badeedka , ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo tahriibka.

29-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal laga fuliyay degaanka Warta Eey Duure lagu dilay horjooge Cabdullaahi Abuukar Cali oo u qaabilsanaa Khawaarijtu arrimaha maaliyadda ee gobolka Bakool.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dalka

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka 'Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga' waxaana sharcigaan u codeeyey 145…

GudahaWararka
March 1, 2023

QM oo dirtay hambalyo ku aaddan madaxbannaanida Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku…

GudahaWararka
July 2, 2025

Ciidanka Booliiska Galmudug oo wada howlgal lagu baadi goobayo dabley dilal ka geysatay gobolka Mudug

Muqdisho (SONNA) Ciidanka booliiska gobalka Mudug ayaa maalintii 2-aad ka wada deegaano ka tirsan gobalka Mudug howlgallo lagu baadi goobayo…

GudahaWararka
January 15, 2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay darajooyinka loo asteeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka…

GudahaWararka
October 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023