Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: August 8, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Ethiopia, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye Ku-xigeenka Koowaad ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

4-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

5-Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare ayaa qabatey kulan wadajir ah oo looga hadlayay caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka maxaabiista iyo arrimaha badqabka maxaabiista.

6-Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa  qaabilay  Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

7-Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

8-Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway ayaa sheegay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay ka jirto baahi ballaaran oo u baahan gurmad degdeg ah.

9-Waxaa  magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga kaarka aqoonsiga qaranka.

10- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay, Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya , Karin Johansson,iyagoo ka wada hadlay difaaca dhanka amniga iyo  taageerada Yurub ee Soomaaliya.

12- Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ayaa jab xooggan gaarsiiyey argagaxisada Al-Shabaab dagaal ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeelleha Hoose, iyadoo halkaasi lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada.

13- Dab khasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa qabsaday  Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

14- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshaya Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles King, iyagoo ka wadahadley xiriirka dhaqaale ee labada dal.

15- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka  guddoomay  qaar ka mid ah nuqulka  warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirada  dalalka Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo dollar ($200,000) ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya.

18- Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  ee dalka Hindiya ayaa magaalada New Delhi ku soo dhoweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi socdaal shaqo ku gaarey.

19- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar .

20- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda  Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa magaaladda Bangui ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe uga qeyb galey shirka Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Afrika oo looga hadlay  horumarinta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbedelka cimiladda .

21- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ayaa magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kulamo wadatashi ah la kula qaatay odaayasha dhaqanka  ,iyagdoo ka wadahadley sidii shacabka ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada Qalabka Sida ee dhowaan la wareegay amniga gobalka.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  ayaa magacaabay Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

23- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo gabagabaysay aqoon isweydaarsi ku saabsan  diyaarinta waajibaadka iyo qaab dhismeedka guud ee amniga badaha Soomaaliya iyo duulaanka khataraha badaha ka dhaca.

24- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa hawgallo ku beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku yaalley degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

25- Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) oo ka tirsanaa argagixisada Al Shabab ayaa lagu  fuliyay dil toogasho oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada kadib markii ay ku heshay dilal iyo dembiyo argagixiso oo ay geysteen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida & wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka…

GudahaWararka
September 5, 2024

Ciidanka xoogga dalka oo horjoogeyaal ku dilay gobolka Shabeelah dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gobolka Shabeelaha dhexe kudilay Horjooge iyo Maleeshiyaad badan oo katirsan Argagixisada Al-shabaab. Kadib howlgal qorsheeysan…

GudahaWararka
June 17, 2021

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee wadahadallada DFS iyo Somaliland oo la kulmay safiirka Qatar

Muqdisho(SONNA):-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed kullan kula qaatay…

GudahaWararka
June 21, 2023

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland,ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar dhagarqabe oo…

GudahaWararka
February 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023