Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: August 1, 2025
7 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Heyโ€™adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka

6- Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo oo dhowaan ay dagaalo ka dhaceen.

7- Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabadda saxiixa iskaashi oo dhexmaray Hayโ€™adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabla Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiiro Iyo xildhibaano ayaa booqday magaaladda Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

9- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

10- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed,isagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

13- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay La-taliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

16- Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed (Soomaali Airlines) oo dhawaan ka hawlgali doona dalka .

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynihii shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya .

19- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa siโ€™ rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka oo ku dhawaad 36 sanno hakad ku jiray.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa la kulmay Ku-Xigeenka Madaxa Heyโ€™adda Socdaalka Adduunka(IOM) , Marwo Ugochi Daniels,

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulan la yeeshay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa magaalada Laas Caanood kulan wadatashi ah kula yeeshay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatey Dr Rukaya Maxamed, oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

25- .Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshaya Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

27- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Raโ€™iisul Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov.

28- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hayโ€™adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels.

29- Bayaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in macaamiisha koontooyin cusub furaneysa ama cusbooneysiisaneysa shuruud looga dhigayo inay heystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee Hayโ€™adda NIRA.

30- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dalka Jarmalka kulan kula yeeshay Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccoโ€™ Coppi.

31- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada bulshada ku gaaray magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa la kulmay ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo ka dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii dowladda ay waddo ee ku aaddan sii deynta muwaadiniintaasi.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka oo furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Abukar Sheekh Axmed Mursal ayaa daah furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga ee Furdooyinka,…

GudahaWararka
September 9, 2024

Soomaaliya oo gadiid iyo agab Caafimaad kala wareegtay Urur gobaleedka IGAD+Sawirro

Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya agab caafimaad oo…

GudahaWararkaWargayska
September 2, 2021

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada

Muqdisho(SONNA);-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok,…

GudahaWararka
August 4, 2024

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID. Goobaha…

GudahaWararka
September 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023