Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: July 11, 2025
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 11-ka July, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Madaxweynaa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika ayaa sheegay in qaran dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha iyo kor u qaadista wacyiga bulshada oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

3- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey boqollaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, isagoo kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, difaaca dalka, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka,dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada.

4- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

5- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

6- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa la guddoonsiiyay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ugu wanaagsan 2025, kadib, xaflad ka dhacday magaalada London.

7- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa shir guddoomiyey shirka guddiga isku xirka hay’addaha fuliya arrimaha tallaalka oo furmay Magaaladda Moqdisho.

8- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in ay xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho.

9- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Jumca Alromithi.

10- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Ku-Xigeenka Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Steven Gillen kala wareegay gaadiid Maraykanku ugu deeqay Ciidanka Booliiska.

11- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagarqabe naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhinteen 5 ruux.
12- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Sare ee WSIS+20 oo lagu qabtay Geneva ee dalka Switzerland.

13- Wafdi ka socday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo dhawaan ay ka bilaabaneyso hannaanka diiwaan gelinta dadweynaha.

14- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Wang Yu.

15- Hoggaamiyaha Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ka socday Gobolka Sanaag,oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

16- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud iyo Safiirka Boqortooyada Britain Ingiriiska ee Soomaaliya, Mr. Charles King, ayaa ka qeybgalay shirka Guddiga Sare ee Barnaamijka Xasillinta iyo Mudnaanta Dowladda.

17- Guddiga Qaran ee Gurmadka ayaa ka arrinsadey xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha masiibo ee ka dhici kara dalka.

18- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

19- Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada Hoose oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

20- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda.

21- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

22- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

23- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Amman ee dalka Jordan uga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabbilay Danjiraha dalka Sudan u fadhiya Soomaaliya.

 

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

Baladxaawo(SONNA) – Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday…

GudahaWararka
June 10, 2025

Ra’iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Doxa-(SONNA)- Ra’iisul wasaaraha Dalka Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa Xafiiskiisa Doxa ku…

Wararka
September 25, 2019

Weerar lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Dalka Koongo

21 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Ronzur ee dhaca  bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo,kadib kolkii kooxo…

Wararka
January 6, 2021

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka tacsiyadeysay dadki ku dhintay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay falkii foosha xumaa…

Wararka
December 18, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023