Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: March 14, 2025
8 Min Read
Share

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 14-ka Maarso, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isla markaana abaalmarinno lacageed guddoonsiiyey guuleystayaashii kaalimaha hore ka galay tartanka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka fogaan aragga kaga qeybgaley Shir Madaxeedka 43aad ee caadiga ahayn, kaa oo lagu gorfeeyay xaaladda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Koonfuurta Suudaan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa Riek Machar, isagoo kala hadley xaaladda amniga ee dalkaasi, uguna baaqey labada dhinac inay miiska wadahadalka ku soo laabtaan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib socdaal shaqo uu ku tegay Imaaraadka Carabta, halkaasina kulamo kula yeeshay madaxda dalkaas.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay askar ku soo dhaawacantey hawlgalada looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda dalka.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dib u xoreynta dalka,

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka caasimadda kala qeyb-galay afur wadareed ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, taasi oo muujinaysa horumarka amni ee ka hirgalay caasimadda Muqdisho.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay Tartanka Qur’aan Akhriska sannadlaha ah ee heer qaran.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday dhaawacyada Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta ka ahaa dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta hawlgallada dib-u-xoreynta iyo arrimo kale.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Degmada Dayniile kala qayb-galay afur wadareed ay soo diyaariyeen Maamulka Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlaayay qorshaha suggida amniga magaalada Muqdisho.

17- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dhanka cirka ah ee ay fuliyeen Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayna ku jiraan horjoogeyaal sare.

18- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka oo meel-mariyay 3 Hindiso-Sharciyeed oo muhiim u ah hannaanka horumarinta maaliyadda dalka.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS uga mahad celiyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

20- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ee ay Khawaarijta ka geysteen Hotel Qaahira oo ku yaalla magaalada Beled Weyne.

23- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay guddiga u xil saaran maareynta iyo dib-u-hagaajinta biyo-qabadyada iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho, si loogu diyaar garoobo xilli roobaadka soo socda.

24- Wasiirka Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Baledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad .

25- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa ka hadlay hawlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Khawaarijta ay kaalin weyn ku leeyihin Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Dowladda Soomaaliya leedahay.

27- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in hawgallo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtu oo gaaraaya 20.

28- Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

29- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo culimada soomaaliyeed. Waxaana kulankaasi looga hadley is-waafajinta xeerka hay’adaha maaliyadda dalka mabaadii’da Shareecada Islaamka iyo maslaxadda ummadda soomaaliyeed.

30- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Georgia, Mudane Mikheil Kavelashvili.

31- Hay’adda Nabadsugidda ayaa shaacisay in duqeyn lagu dilay Farxaan Cusmaan Xasan oo loo yaqaan Jacfac Karuur oo ahaa Madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Khawaarijta gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyo Madaxii Maaliyadda Sh/hoose Axmed Gumaar.

32- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Britain Dr. Christopher Pycroft.

33- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Safaaradda Britain Dr. Christopher Pycroft.

34- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka NISA, ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad firxad ah oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Dhexe.

35- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa ka qeyb gashey furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Komiishinka Xaaladaha Haweenka ee kulankiisa 69aad oo ka dhacay magaalada New York.

36- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh ayaa daah furay kulanka Wacyigelinta iyo Baraarujinta Doorashooyinka, isagoo xusay in xoogga la saari doona sare u qaadidda wacyiga bulshada ee ku aadan hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah .

37- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shahaadada rasmiga ee ururnimo gudoonsiiyey Ururka Midowga Soomaaliya, iyadoo lagu guda jiro hannaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee dalka.

38- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah.

39- Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa burburiyay buundo macmal ah oo ay ka soo gudbeen Khawaarijtii ka dagaalantay Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ku taalla deegaanka Aw-Baalle.

 

========DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno…

GudahaWararka
January 4, 2023

Dowladda Soomaaliya oo digniin udirtay dadka barah bulshada ku faafiya waxyaabah ka soo horjeeda Qawaaniinta dalka

Muqdisho,(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala barah…

GudahaWararka
May 30, 2024

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Ruunirgood, (SONNA): Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saaka aroortii howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa degmooyinka Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka…

GudahaWararka
July 19, 2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerada tababarka ee Turkisom

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeer ku tagay xerada tababarka ee Turkisom ee duleedka magaalada…

GudahaWararka
October 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023