Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: March 7, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ugu baaqey inay is taageeraan oo gacmaha is qabsadaan.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariisteen Dr Maxamed Yuusuf Xasan.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley Shir Madaxeed aan Caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta kaga hadashey arrimaha Gaza.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud cusub iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

8-Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

9-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dib u eegista heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa Isbitaalka Hodan ee Magaaladda Muqdisho ku booqday askar ku soo dhaawacantay  dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka dhacay gobolka Bakool.

12- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galayaan tartamayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa gobollada kale ee dalka.

13- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Imaan Cige ayaa kulan  la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson.

14- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Xayle inuu noqdo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Galmudug.

15- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa Baarlamaanka hor geeyay 3 hindise sharciyeed oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

18- Wasiirka Batroolka Mudane Daahir Shire iyo Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan Parviz Shahbarov ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis ay labada dal iska kaashanayaan horumarinta arrimaha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa laba aqoon isweydaarsi kala duwan kuna saabsanaa Maareynta Xiriirka Warbaahinta ee xaaladaha deg degga ah iyo fududeynta xaqa xog helista dadweynaha  uga qabatay Muqdisho 65 xubnood oo ka kala socday hay’adaha dowladda, warrbaahinta iyo bulshada rayidka

20- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Baarlamanka horgeeyay hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, oo muhiim u ah adkeynta nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

21- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  gobollada Hiiraan iyo Shabeellha Dhexe ka wada dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada

22- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Maxamed Cusmaan Naastaro ayaa  Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.

23- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Goleyaasha Baarlamanka Masar Mudane Maxamuud Fawzi.

24- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala  ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka uga qaybgalay shirka sannadlaha ee bandhiga Dalxiiska ee ITB Berlin.

25- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socotay dalka Masar.

26- Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga fuliyay deegaano hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

27- Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Asad  CusmaanCabdullaahi oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayo amniga caasimadda

28- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay warar been abuur ah oo laga faafiyey Garoonka Diyaaradaha Baardheere oo sheegayay in garoonka xannibaad saaran tahay.

29- Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed, ayaa ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah ee ajendaha caafimaadka Afrika (Africa Health Agenda International Conference – AHAIC 2025) oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

30- Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha amniga caasimada qeybahooda kala duwan.

31- -Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

32- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah geysay degaannada Nuur-Dugle iyo Aqab-Duco.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, waana in aan u midownaa soo…

Gudaha
January 19, 2024

Carruur ku dhimatay guri ku yaala Buula Xuubeey oo uu roob ugu soo galay xalay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir kaddib markii…

GudahaWararka
May 7, 2021

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA CARAFO KU OOGAY MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo,…

Gudaha
June 6, 2025

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka W/B oo maanta dhacaysa

Laascaanood(SONNA):-Doorahada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo ka mid ah dowlad goboleedyada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya…

GudahaWararka
August 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023