Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Axmed
Last updated: February 28, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Ethiopia Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

3- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo dalka ka dhoofay kadib markii uu dhameystay booqasho uu ku yimid Soomaaliya.

4- Soomaaliya iyo Ethiopia oo soo saarey War-Murtiyeed kadib wadahadal Muqdisho ku dhex marey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay Libya, isagoo kulamo la soo yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Madaxtooyada Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka dhacay Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabbilay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Boqortooyada Cumaan, Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda ee dalka.

9- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa qaabbilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib ugu fasaxay 15 Xildhibaan oo horay laga mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha Shacabka ganaax ku dhacay awgeed.

12- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaaladda Qaahira uga qeybgaley shirweynaha 7-aad ee Baarlamaanka Carabta.

13- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad kala hadley xaaladihi u dambeeyay ee muwaadiniinta Soomaliyeed ee xukunnada dilka ah ay ku xukumeen maxakamadaha Sacuudiga.

14- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda oo ay ku midaysan yihiin Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee horumarinta dhaqaalaha.

15- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgalinta Ganacsiga ee Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Asia oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

16- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta oo ka furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.

17- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Tamarta ee dalkaas Mudane Saad Sherida al-Kaabi.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ka baxday liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in ay guuldareysteen isku day Khawaarijtu ku weerareen degaannada Caddow-Gurey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.

20- Taliyaasha ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan iskaashiga labada dal.

21- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

22- Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Hawlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degaanka Al Kowsar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha degaanka ay in ka badan 70 xubnood oo Khawaarij ah ku dileen deegaanno dhaca Dowlad Goboleedka HirShabelle.

24- Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburisay gaadiid ay Khawaarijtu ka soo buuxisay qaraxyo ay la damacsanaayeen shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe.

25- Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday goobihii Khawaarijta lagu laayay ee gobolka Hiiraan.

26- Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la wareegay saldhigga Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen degaanka Sheebaab.

27- Wasaaradda Caafimaadka ayaa dawo iyo qalab caafimaad ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka ee Hirshabeelle kuwaas oo loogu talagaley degaannada ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah u billaabanayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ( AUSSOM) oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha.

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

30- Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan lagu dilay 48 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

31- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah kala wareegay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi

32- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

33- Wasiirka Degaanka iyo Isbaddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wasiirka Degaanka ee Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ay ka wada hadleyn iskaashiga labada dal.

34- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabbilay wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Urur Goboleedka Heeganka Bariga Afrika (EASF) Brigadier Kahuaria Njema.

35- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha qaran ee ka hortagga isbeddelka cimilada.

36- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi Cumar oo hoggaaminayey hawlgalka degaanka Al Kowsar ee ka dhanka ah Khawaarijta ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

37- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa magaalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga maamulka hay’adda u qaabilsan Duulista Rayidka Urur Goboleedka Bariga Afrika ee loo yaqaano CASSOA.

38- Dowladda Shiinaha ayaa taageero u fidineysa horumarinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

39- Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kaashaneeysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada xasaradaha (SCRP) oo uu taageero Bankiga Adduunka.

 

 

========DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirweynaha meertada 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed,…

GudahaWararka
December 15, 2024

WASAARADDA WAXBARASHADA OO SHAACISEY XILGA LA FURAYO ISKUULAADKA IYO JAAMACADAHA LANA QAADAYO IMTIXAANAADKA

Muqdiho:(SONNA)-Wasaaradda Waxbarashada  hiddaha iyo tacliinta sare XFS oo shaacisay xiliga la qaadaayo imtixaanka fasalada 8- aad ,  12 -aad iyo…

Wararka
July 4, 2020

Taliska qeybta 27aad ee ciidanka XD oo digniin adag u jeediyay askar dhawaan ku dagaalantay Jowhar “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa socdaal wacyi galin…

Wararka
July 8, 2020

Mas’uulin ka tirsan hay’adaha amniga oo soo xaadiray kulan ciyaareed u dhexeeya Horseed iyo Heegan

Muqdisho (SONNA):- Kulan ciyaareed u dhexeeya kooxaha Kubadda Cagta Horseed iyo Heegan oo kala matala Ciidamada Boliiska iyo Milatariga ayaa…

GudahaWararka
December 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023