Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: February 28, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Ethiopia Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

3- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo dalka ka dhoofay kadib markii uu dhameystay booqasho uu ku yimid Soomaaliya.

4- Soomaaliya iyo Ethiopia oo soo saarey War-Murtiyeed kadib wadahadal Muqdisho ku dhex marey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay Libya, isagoo kulamo la soo yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Madaxtooyada Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka dhacay Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabbilay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Boqortooyada Cumaan, Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caddaaladda ee dalka.

9- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa qaabbilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib ugu fasaxay 15 Xildhibaan oo horay laga mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha Shacabka ganaax ku dhacay awgeed.

12- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaaladda Qaahira uga qeybgaley shirweynaha 7-aad ee Baarlamaanka Carabta.

13- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad kala hadley xaaladihi u dambeeyay ee muwaadiniinta Soomaliyeed ee xukunnada dilka ah ay ku xukumeen maxakamadaha Sacuudiga.

14- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda oo ay ku midaysan yihiin Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee horumarinta dhaqaalaha.

15- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgalinta Ganacsiga ee Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Asia oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

16- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta oo ka furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.

17- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Tamarta ee dalkaas Mudane Saad Sherida al-Kaabi.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ka baxday liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in ay guuldareysteen isku day Khawaarijtu ku weerareen degaannada Caddow-Gurey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.

20- Taliyaasha ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan iskaashiga labada dal.

21- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

22- Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Hawlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degaanka Al Kowsar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha degaanka ay in ka badan 70 xubnood oo Khawaarij ah ku dileen deegaanno dhaca Dowlad Goboleedka HirShabelle.

24- Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburisay gaadiid ay Khawaarijtu ka soo buuxisay qaraxyo ay la damacsanaayeen shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe.

25- Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday goobihii Khawaarijta lagu laayay ee gobolka Hiiraan.

26- Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la wareegay saldhigga Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen degaanka Sheebaab.

27- Wasaaradda Caafimaadka ayaa dawo iyo qalab caafimaad ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka ee Hirshabeelle kuwaas oo loogu talagaley degaannada ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah u billaabanayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ( AUSSOM) oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha.

29- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

30- Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan lagu dilay 48 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

31- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah kala wareegay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi

32- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

33- Wasiirka Degaanka iyo Isbaddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wasiirka Degaanka ee Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ay ka wada hadleyn iskaashiga labada dal.

34- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabbilay wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Urur Goboleedka Heeganka Bariga Afrika (EASF) Brigadier Kahuaria Njema.

35- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha qaran ee ka hortagga isbeddelka cimilada.

36- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi Cumar oo hoggaaminayey hawlgalka degaanka Al Kowsar ee ka dhanka ah Khawaarijta ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

37- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa magaalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga maamulka hay’adda u qaabilsan Duulista Rayidka Urur Goboleedka Bariga Afrika ee loo yaqaano CASSOA.

38- Dowladda Shiinaha ayaa taageero u fidineysa horumarinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

39- Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kaashaneeysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada xasaradaha (SCRP) oo uu taageero Bankiga Adduunka.

 

 

========DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xarunta Gurmadka deg degga ah ee Puntland oo la dhagax dhigay

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehEliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullahi Cabdi…

GudahaWararka
March 20, 2023

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dadaallada ku aadan ku biirista EAC

Nairobi-(SONNA)-Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika oo saxaafadda uga warbixiyay shirka wada…

CaalamkaGudahaWararka
August 26, 2023

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo lagu Soo dhaweeyay Xarunta Golaha Aqalka Sare

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Mudane Dilayta Maxamed Dilayta, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Golaha Aqalka Sare. Isagoo ka…

GudahaWararka
October 31, 2024

Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa ku…

Caalamka
March 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023