Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: February 14, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarumo ku yaalla magaalada Baku ee Azerbaijan, oo iskugu jira xarumaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dawliga ah.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa madaniga ee ku jira Isbitaallada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgelaya Shir Madaxeedka 38aad ee Midowga Afrika.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya hawlaha waaweyn ee ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed,
7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

8- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo ka dhacay magaalada Muqdisho .

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayey heshiiska shirkadadaha loo qaatay dhismaha waddooyinka caasimadda Muqdisho.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Dacco Coppi.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.

14- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzumi ayaa la kulantey Manuel M Pereira- oo ah madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Aarrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Shiinaha Wang Yu, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

16- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Geneva kula kulmay Madaxa Hay’adda Tallaalka Adduunka ee loo yaqaan GAVI.

17- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sannadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Carabta oo ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaalka Khaldan ee Baraha Bulshada.

20- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa qaabilay wafdi oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Prof. Burhanettin Duran.

21- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgaley daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan 2025-ka loo aqoonsadey magaalada Kuwait.

22- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la yeeshay Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO ahna Wakiilka Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel.

23- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabilay Ku-Simaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

24- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa qaabilay Sii-Hayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

25- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay hindise sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadannimada.

26- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiirigelin ah u sameeyay Asad Xaajiyow oo ka mid ah dhibbaneyaasha ay beegsadeen Khawaarijta oo horey isku day dil uga badbaadey.

27- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Dacco Coppi ayaa xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, oo dib u casriyeyn lagu sameeyay.

28- Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka mahadnaqay kaalintii Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

29- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan ku saabsanaa doorka hoggaamiyeyaasha ururrada bulshada ka qaadan karaan xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha Xagjirka ah.

30- Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada oo shir jaraa’id qabtay ayaa bulshada uga digay la tacaamulka iyo maalgelinta argagaxisada.

31- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar.

32- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 170 dal.

33- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait uga qeyb galey Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka.

34- Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

35- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay madaxa hey’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

36- In ka badan 60 ka tirsan aragagixisada Daacish oo lagu dilay hawlgal xooggan oo ciidanka Puntland ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari

37- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dilay in ka badan 10 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta kadib hawlgal ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

38- Maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay in dalka ay ka qabsoomaan doorasho qof iyo cod ah.

39- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa marti gelisay kulanka saddex biloodlaha ah ee looga hadlaayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha.

 

========DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya…

GudahaWararka
May 28, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo booqday waddo laga hirgelinayo Deyniile

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane, Xasan Macallin Maxamuud oo booqasho ku tegay deegaanka Gubta ee degmada…

GudahaWararka
April 3, 2024

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti

Jabuuti.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti…

GudahaWararka
April 24, 2023

Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada

Shirka 12-aad ee Hal-abuurka dunida ee xagga Waxbarashada (WISE),ayaa lagu wadaa 24-25 Noofambar lagu qabto Xarunta Shirarka Qaranka ee Magaalada…

Caalamka
November 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023