Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: February 14, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarumo ku yaalla magaalada Baku ee Azerbaijan, oo iskugu jira xarumaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dawliga ah.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa madaniga ee ku jira Isbitaallada kala duwan ee magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeybgelaya Shir Madaxeedka 38aad ee Midowga Afrika.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya hawlaha waaweyn ee ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed,
7- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

8- Raโ€™iisal Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo ka dhacay magaalada Muqdisho .

9- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

10- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayey heshiiska shirkadadaha loo qaatay dhismaha waddooyinka caasimadda Muqdisho.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Dacco Coppi.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay furitaanka mashruuca Gole-Kaab oo isku xiri doona Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka.

14- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzumi ayaa la kulantey Manuel M Pereira- oo ah madaxa hayโ€™adda IOM ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Aarrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Shiinaha Wang Yu, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

16- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Geneva kula kulmay Madaxa Hayโ€™adda Tallaalka Adduunka ee loo yaqaan GAVI.

17- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sannadlaha ah ee Heyโ€™adaha Maaliyadda Carabta oo ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaalka Khaldan ee Baraha Bulshada.

20- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa qaabilay wafdi oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Prof. Burhanettin Duran.

21- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgaley daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan 2025-ka loo aqoonsadey magaalada Kuwait.

22- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la yeeshay Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO ahna Wakiilka Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel.

23- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabilay Ku-Simaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

24- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa qaabilay Sii-Hayaha Safaaradda Boqortooyada Norway ee Soomaaliya, Carsten Carlsen, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

25- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Cabdฤฑcasฤฑฤฑs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay hindise sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Baniโ€™aadannimada.

26- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiirigelin ah u sameeyay Asad Xaajiyow oo ka mid ah dhibbaneyaasha ay beegsadeen Khawaarijta oo horey isku day dil uga badbaadey.

27- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Dacco Coppi ayaa xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, oo dib u casriyeyn lagu sameeyay.

28- Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka mahadnaqay kaalintii Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

29- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan ku saabsanaa doorka hoggaamiyeyaasha ururrada bulshada ka qaadan karaan xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha Xagjirka ah.

30- Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada oo shir jaraaโ€™id qabtay ayaa bulshada uga digay la tacaamulka iyo maalgelinta argagaxisada.

31- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar.

32- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 170 dal.

33- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait uga qeyb galey Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka.

34- Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

35- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay madaxa heyโ€™adda IOM u qaabilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

36- In ka badan 60 ka tirsan aragagixisada Daacish oo lagu dilay hawlgal xooggan oo ciidanka Puntland ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari

37- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dilay in ka badan 10 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta kadib hawlgal ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

38- Maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay in dalka ay ka qabsoomaan doorasho qof iyo cod ah.

39- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa marti gelisay kulanka saddex biloodlaha ah ee looga hadlaayo illaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha.

 

========DHAMMAAD=========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Hay’adda Maareynta oo deeq raashin ah gaarsiiyay Xudur

Gddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle maanta deeq raashin ah gaarsiiyay dadka ku dhaqan Magaalada Xudur ee…

Gudaha
March 31, 2023

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya

Muqdisho.(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)ย …

GudahaWararka
January 14, 2023

SoDMA oo tababar usoo xirtay dhallinyaro mutaddawaciin ah oo baranayay u diyaar-garawga iyo ka jawaabista musiibooyinka deg-degga ah

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa soo xiray tababar heerkiisu sarreeyo oo socday muddo labo maalin…

GudahaWararka
April 30, 2024

Madaxweynaha JFS โ€œMuhiimadda Golaha Wasiirrada maanta ayaa ah samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga.โ€

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirguddoomiyey kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada…

GudahaWararka
November 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023