Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: February 7, 2025
10 Min Read
Share

Muqdisho.SONNAโ€ฆ..1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland, dagaalka lagula jiro Khawaarijta argagixisada Daacish, isagoo dhanka kale sii xoojiyay baaqa Golaha Wasiirrada ee lagu taageerayo hawlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey xeer darajada ciidannimo iyo xuquuqdii uu lahaa dib loogu soo celinayo Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi oo ka tirsanaa Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo horey ay u soo ansixiyeen labada golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow oo ku naafoobay weerar isku day dil ah oo in ka badan 10 sanno ka hor ay ku qaadeen khawaariijta.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmey in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka dhan kasta.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda doorashada iyo dhammaystirka dastuurka.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-Muuse inuu noqdo Maareeye Ku-Xigeenka Dekadda Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Suuqa Ganacsiga casriga ah ee uu dhagax dhigay magaalada Muqdishi ay tusaale u yihiin soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Falastiin Rowaid Adil Maxamed, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dhinac.

10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada, tababarrada iyo tamarta.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan Yalchin Rafiyev.

12- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar ugu soo xiray xerada Balidoogle dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

13- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, isagoo dhageystay aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan horumarka iyo amniga caasimadda.

14- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdidaahir Ugaas Nuur.

15- Shirweynaha 7aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo sannadkan diiradda lagu saaray la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

16- Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka ammaanku ay ku guuleysteen ka hortagga koox qas-wadayaal ah oo qorshaynayey inay falal amni darro ah ka fuliyaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Muqdisho Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan, Yalchin Rafiyev,

18- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay dalka Turkiga, isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay masโ€™uuliyiinka dalka Turkiga.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la yeeshay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, iyagoo ka wada hadlay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo kaalinta ciidamada AUSSOM ee Midowga Afrika.

20- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa sheegay caqabadaha ka dhalan kara ku takri falka kheyraadka biyaha ee xuduudaha isaga gudba, isagoo ka digay inay keeni karto amni darro iyo inuu xumaado xiriirka ka dhexeeya waddamada kala duwan ee caalamka.

21- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleyman Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, isagoo kala hadley wax ka qabashada socdaalka sharci darada ah, tahriibinta iyo dembiyada socdaalka la xiriira.

22- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan ku saabsan xoojinta iskaashiga garsoorka la yeeshay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Cadaaladda ee Masar oo uu hoggaaminayo Mudane Haytham Hegazy.

23- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden uga warbixiyay xaaladda dalka iyo ajendayaasha muhiimka u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

24- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa kulan la yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda.

26- Gudoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daah-furay shirweyne lagu taageerayo qaxootiga iyo barakaceyaasha.

27- Soomaaliya iyo Mareykanka oo iska kaashadey hawlgalo lagu beegsadey xubno sare oo ka tirsan argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysta Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

28- Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

29- Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka ayaa jab xooggan u geystay maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab, kadib dagaal culus oo ka dhacay degaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

30- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

31- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

32- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Turkiga oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan kheyraadka badda ee Soomaaliya.

33- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, ayaa ka wadahadley sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada, isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.

34- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hayโ€™adda IOM Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira.

35- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

36- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Cabdulqaadi ayaa qaabilay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

37- Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

38- Taliyaha Ciidamada Militariga Turkiga S/Guud Metin Gurak ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

39- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Mamadou Dian Balde oo ah Agaasime Goboleedka Bariga, Geeska Afrika iyo Harooyinka Waaweyn ee Hay`adda Qaramada Midoobay u qaabislan qaxootiga (UNHCR).

40- Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Ambassador Maxamed Isaaq Ibraahim oo Soomaaliya halkaasi wakil uga noqon doona.

41- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dbedda Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi uu horkacayo Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan Yalchin Refiyev.

42- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay sharciga naafadda ee maamulkaasi yeelanayo.

43- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh ayaa magaalada Cammaan ee dalka Urdun uga qeybgalay Shirweynaha Madasha Horumarinta Isgaarsiinta Dalalka Carabta (RDFARB), kaasoo loogu diyaar garoobayo Shirweynaha Horumarinta Isgaarsiinta Adduunka.

44- Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ayaa soo bandhigay madaxii dilalka qorsheysan ee kooxda Daacisha Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) oo dhowaan isku soo dhiibay laamaha amniga ee Puntland.

45- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin.

46- In ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta argagixisada Daacish ayaa lagu dilay, qaar kale oo badanna waa lagu dhaawacay kadib hawlgal xooggan oo Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ka fuliyeen buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Magaalada Xudur oo booqday Qoysas kasoo barakacay kooxaha argagaxisada ah

Muqdisho (SONNA)-Qoysaskan oo dhowaan laga soo barakiciyay tuulooyin hoosyimaada degmada Xuddur, isla markaana la dejiyay goobo cusub ayaa maanta waxa…

GudahaWararka
June 9, 2021

Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda

Kigali(SONNA):-Waxaa magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ka furmay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada…

GudahaWararka
April 30, 2025

Soomaaliya iyo Imaaraat-ka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)- La taliyaha xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha ee arrimaha Carabta iyo Islaamka, Cumar Carab Ibraahim ayaa xarunta Safaaradda Imaaraat-ka ee Muqdisho…

GudahaWararka
January 18, 2023

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Shacabka Caasimada ugu baaqay in dulqaada mujiyaan maalmaha ay xiranyihiin wadooyinka

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf Al-cadaalla ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dulqaad u mujiyaan xirnaansha…

GudahaWararka
February 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023