Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: December 27, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha  u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u  kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo  lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa  warxibinno  ka dhageystay  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay  beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay  Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20- Wasaaradda Waxbarashada  ayaa  Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka  dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada  Soomaaliya (2022-2026).

21- Wasiir  Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee  dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing.

22- Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23- Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga  oo maanta ku eg.

24- Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi  oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25- Wasiirka Qorsheynta  Maxamuud Sheekh Faarax  Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka   Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee  dalka Turkiga ayaa  ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27- Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28- Safiirka Soomaaliya u fadhiya  ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah  ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29- Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Muqdisho (SONNA)-Kulan ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee dalka oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay wada cayaarayaan Kooxaha Horseed…

CiyaarahaGudaha
July 22, 2021

Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay  taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo…

GudahaWararka
February 18, 2024

Wasaaradda gaashaandhigga oo ka hadashay deegaanada maanta laga xoreeyey Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay…

GudahaWararka
August 21, 2023

kulan ku saabsan is-waafajinta adeegyada hay’adaha socdaalka iyo NIRA oo lagu qabtay muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hay’adda Aqoonsiga…

GudahaWararka
August 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023