Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
    GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE BJFS OO I WADANKA NDONESIA UGA QEYB GALAY KULAMO HORUDHAC U AH SHIRWEYNAHA BAARLAMAANKA ISLAAMKA.
    May 13, 2025
    𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗞𝘂 𝗦𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: December 20, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha  u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

8-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.

11-  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.

12-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u  kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

13-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.

16-Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo  lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

17-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe  ayaa  warxibinno  ka dhageystay  Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

18-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

19-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay  beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay  Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

20-Wasaaradda Waxbarashada  ayaa  Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka  dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada  Soomaaliya (2022-2026).

21-Wasiir  Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee  dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing .

22-Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

23-Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta caalamiga  oo maanta ku eg.

24-Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi  oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.

25-Wasiirka Qorsheynta  Maxamuud Sheekh Faarax  Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.

26-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka   Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee  dalka Turkiga ayaa  ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.

27-Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.

28-Safiirka Soomaaliya u fadhiya  ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah  ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.

29-Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baladweyne

Baladweyne.(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee…

GudahaWararka
December 31, 2024

Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)

Deegaannada hoos yimaada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa todobaadkaan waxaa ka socday abaabul, kaasi oo la doonayo in dib loogu…

GudahaMaqaallada
August 12, 2023

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la qaadatay ururrada Bulshada Rayidka 

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala…

GudahaWararka
January 19, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in xukuumaddani ay tahay tii ugu horreysay ee la dagaallanta khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay si dhab ula dagaallantay khawaarijta,…

GudahaWararka
April 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023