Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: December 13, 2024
5 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo isku afgartey in meesha laga saaro heshiiskii muranka dhaliyey ee badda Soomaaliya, kuna heshiiyay in la furo bog cusub oo xiriirka laba dal la xiriira.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan, kana wadahadley xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis iyagoo ka wadahadley la-dagaalanka aragagaxisada iyo hanaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka loo qorsheynayo..

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan.”

5- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, kadib falkii uu ku weeraray deegaanka Raas Kaambooni.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

8- Golaha Aqalka Sare ayaa kulan duco ah u sameeyay Alle ha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

9- Kulan dadweyne oo looga hadlayey arrimaha dastuurka oo ka dhacay Muqdisho.

10- Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dalka dib loogu soo celiyo 100 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay musiibadii doomihii ku qalibmey xeebaha Jaziirada Madagascar.

11- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo laba diyaaradood oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaas oo siday hub sharci-darro ah.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika ( Africa Financial Summit) oo lagu qabtay magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

13- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaraddu Warfaafinta ay martigelisay.

14- Afar cutub oo ka mid noqonayaa ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa magaalada Isparta ee dalka Turkiga loogu soo xiray tababar.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka qeybgalay madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay dagaalka ka dhanka argagixisada.

16- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Xamza Aadan Xaadoow ayaa kulan la qaatey Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

17- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dalka Imaaratka Carabta uga qaybgalay shirka Guddiga Joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta.

18- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa magaalada Beijing kulan kula yeelatay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Ambassador Xue Bing.

19- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Dhab u Heshiisiinta Qaran,kaas oo hirgelintiisu ay bilaabaneyso sannadka 2025.

21- Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

22- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaai ayaa kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

23- Ergayga Madaxwaynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Raydka Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka kaas oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

 

 

24- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa soo dhoweeyay isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku dhex marey magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

25- Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka caalamka qaarkood ayaa soo dhoweeyay isku dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tababar aqoon-kororsi ah oo loo soo xiray haweenka Gobolka Hiiraan

aamulka gobolka Hiiraan,gaar ahaan kan Degmada ee Magaalada Baladweyn  ayaa tababar aqoon-kororsi ah oo kor loogo qaadayo kobcinta doorka Haweenka…

Gudaha
October 4, 2024

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka faalla qaaday daryeelka iyo waxbarashada 173-gabdhood oo Agoon ah

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka…

GudahaWararka
September 30, 2023

Hawlgal lagu burburiyey fariisimo ay cadawga kulahaayeen deegaanka Afcad ee gobolka Hiiraan

Jalalaqsi  (SONNA): Abaanduulha Guutada 26-aad Cali bin Abii-daalib Cabduqaadir Cali Nuur oo ka soo amba baxay degmada Maxaas ayaa soo…

GudahaWararka
October 10, 2023

AMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Guri-ceel

Muqdisho-(SONNA)-Hoggaanka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa iska fogeeyay eedeymaha ku saabsan in ay ku lug lahaayeen, isla markaana…

GudahaWararka
October 28, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023