Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: November 1, 2024
8 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u si xiray Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka socday magaalada Muqdisho.

2- War Murtiyeed laga soo saarey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalku j jiheystay doorasho Qof iyo Cod ah, diyaarna aan loo ahayn in loo laabto doorasho dadban oo muddo 24 sanno dalku ku soo jiray.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,

6- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo sahmin ku sameynaaya shidaalka Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Dileyta Maxamed Dileyta.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf u sameeyay xubnaha labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ugana warbixiyay ajendaha siyaasadda dowladda.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Mudane Methqal Mohamed oo ah ergey gaar ah oo ka socday Morocco oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka sido Boqor Maxamedka 6aad.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Dileita Maxamed Dileita.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka NTP 2025 – 2029.

15- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina.

16- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Bujumbura uga qaybgelay Shir-Madaxeedka 23aad ee waddamada ku mideysan Ururka COMESA ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan iyo Wasiirkii hore Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim.

19- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa furey Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ay ka hirgelineyso HirShabelle.

20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP.

21- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo  Soomaaliya ay la gashey dalalka Shiinaha, iyo Qatar.

22- Ciidamada Xoogga Dalka oo labanlaabey hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isla markaana khasaare badan gaarsiiyay cadowga.

23- Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi oo ku guulaystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda  Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa la kulmay Eng. Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana ay ka wada hadleen dhiirrigelinta fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya.

25- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee dalka Cumaan.

26- Wasiirka  Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf  Cali Xoosh ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Wang Yu.

27- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay  Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

28- Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta  lagu diyaarinaayo  Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

29- Wasiirka Qorsheynta  Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, ayaa  booqday sheybaarrada lagu kala shaandheynayo muhiimadaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

30- Wasiirka  Maaliyadda  Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington DC kulan kula yeeshay  Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka  Mr. Niels Annen.

31- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

32- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulamo miro-dhal ah la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay dalalka qaaradda Yurub ee taageera horumarinta dhaqaalaha soomaaliya.

33- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar  ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (2025-2029-ka ).

34- Wasiirka Amniga  Mudane Cabdullaahu Sheekh Ismaaciil ayaa  ka qeybgalay hawlgallo lagu xaqiijinayey amniga caasimadda oo ay sameeyeen  Taliska Booliska  Gobolka Banaadir . 

35- Ciidamada Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakad ka kooban afar xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka shaqeynayay dilalka shacabka iyo ganacsatada.

36- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan sugidda amniga.

37- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa  qaabilay wafdi  ka socday Dowladda Turkiga .

38- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Dhasheeg Waamo ee gobolka Jubbada Hoose, hallkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsan khawaarijta iyo maleeshiyaad kale.

39- Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

40- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

41- .Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee Mareykanka oo soo dhoweyn u sameeyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Danjire  Dahir Xasan Carab. 

42- Hawlgalka KMG ee Qaramada Midoobay UNTMIS oo maanta si rasmi ah u bilawdey, kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee UNSOM, kadib go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee maalintii Arbacada. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Muungaab oo qaabilay Feeryahanadda Ramla Cali

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaabilay feeryahanadda Soomaaliyeed ee haysata horyaalka…

GudahaWararka
September 22, 2025

Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay

Muqdisho(SONNA);-waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir muddo shan maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helidda…

GudahaWararka
November 30, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro…

GudahaWararka
June 21, 2025

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hogaaminaayo oo caawa soo gaaray Dalka Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee…

GudahaWararka
October 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023