Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: October 25, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqday dalalka Uganda, Burundi, Djibiuti iyo Kenya, wadahadalana la soo yeeshay madaxda dalalkaasi oo ciidamo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ay ka joogaan Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka Taleefonka kula Xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan isagoo uga tacsiiyey weerarkii argagixiso ee ka dhacey magaalada Ankara.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga waxqabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024.

4-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeybgaley shirweyne looga hadlayey hanaanka isticmaalka tiknoloojiyadda ee nidaamka maaliyadda.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacabay xubno cusub oo wasiiro ah  oo uu ka mid yahay Cabdisalaan Cabdi Cali oo loo  magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad.

6-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis dhinaca difaaca oo dhexmaraya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania.

7-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 195 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xanibnaa dalka Libya.

8-Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Addunka iyo IMF, isagoo soo bandhigay hormarka laga gaaray dib-u habeynta dhaqaalaha dalka.

9-Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka dhaqaalaha Dalka.

10-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa   magaalada Jowhar ka daahfuray shirka afaraad ee arrimaha kalluumeysiga dalka.

11-Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ku dileen hawlgalo laga fuliyay deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobolka Mudug.

12-Boqorka dalka Malaysia Sultan Ibraahim ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona halkaasi Mudane Cali Maxamed Abuukar.

13-Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa daahfuray mashruuc daryeel caafimaad oo ay ka faa’iideysanayaan in ka badan 50 kun oo ardey oo ka cabanaya dhibaatooyinka aragga.

14-Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsoyayesay geerida Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

15-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay dileen ilaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada hawlgalo ka dhacay  deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud.

16-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in ay dalka dib loogu soo celiyo 157  muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku  xanibnaa dalkaas.

17-Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, ee dalka Tanzania.

18-Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula wareegtay maekab sidaty shixnad gargaar oo Turkiga ugu deeqay Soomaaliya.

19-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan taliyeyaasha hoggaanda iyo qeybaha kala duwan ee booliska.

20-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu.

21-Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka Soomaaliya S/Guuto  Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa kormeeray deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cabdinaasir Axmed Bashiir oo loo magacaabay Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna…

GudahaWararka
November 10, 2025

Wasiir Fardowso”Talaabadii koowaad ee lagu ilaalinaayey badqabka duulimaadyada waan qaadnay”

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowsa Cigaal oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dowladda…

GudahaWararka
February 26, 2024

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal sifeyn ah ka sameeyey Ruunirgood

Ruunirgood (SONNA): Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hawlgal sifayn ah ka sameeyay degmada Ruunirgood iyo deegaannada hoostaga…

GudahaWararka
June 10, 2024

Dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo si habsami leh u socota

Muqdisho-(SONNA)-War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in ay si habsami leh u socdaan toddobaadkii…

GudahaWararka
September 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023