Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool
    March 25, 2026
    Golaha Wasiirrada oo ansixiyey taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta iyo heshiisyo muhiim ah.
    March 25, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo Taliyaha Ciidanka Asluubta u magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
    March 25, 2026
    Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga
    March 25, 2026
    Qoysas ku dhaqan duleedka  Baydhabo oo loo sameeyay biyo-dhaamin
    March 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: August 16, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1.– Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kaga qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortey.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar oo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga saarayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay saddex dhalinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah oo hoostagta Hay’adda SODMA.

-Wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka socday magaalada Ankara ee garwadeenka ay ka tahay Dowladda Turkiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana lagu balamey wareeg 3aad oo dhici doona bishii September.

-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la baneeyay.

-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wadahadley taageerada horumarka dhinaca warbaahinta ee Soomaaliya.

-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga.

-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa  kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido.

-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka  Qaranka  ee shacabkii  ku dhaawacmay qaraxii Liido ee magaalada Muqdisho .

-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa   soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah, kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh, ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, iyagoo ka wadahadley arrimah amniga iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay natiijada tartanka 3,000 oo macallimiin cusub ah oo ka hawalgeli doona dugsiyada dalka.

-Dowladda Masar ayaa magaaladda Muqdisho si rasmi ah dib uga furtey xarunta cusub ee safaaraddeed.

-Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa in ka badan 30 Khawaarij ah ku dilay hawlgalo ka dhacay degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray  taliska cusub ee loo diyaarinayo Ciidanka Dhulka oo laga hirgelinayo Degmada Hodan.

-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ku dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, isla markaana cadowga ka furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.

-Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee Dalka France.

-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaaddo oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens.

-Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ee degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Beled Weyne.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool,…

March 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa muqdisho oo ganacsatada kala hadlay horumarinta Caasimadda

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula…

GudahaWararka
July 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa tuug iyo khiyaanoole qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha.”

Muqdisho(SONNA):-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa sheegay in khiyaanole uu yahay qofka lacagta Cashuurta meshii loogu tala galay ku bixin,dowladuna ay…

GudahaWararka
September 30, 2024

Xubin katirsan argagixisada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Koonfur Galbeed

Muqdisho(SONNA)-Isxaaq Abshir ibraahim Aadan Magaca afgarashadiisuna ay tahay (Cabdullahi) ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad…

GudahaWararka
January 13, 2022

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda

Xudur (SONNA):- Xubin ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo lagu magacaabo Cabdi Macallin Cabdulle ayaa maanta Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga…

GudahaWararka
December 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023