Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: August 9, 2024
5 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ay laamaha amniga kaga arrinsanayeen weerarkii argagixisada Khawaarijta Al Shabab ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo dhalinyaro aan waxba galabsan lagu laayey.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoysaska iyo ehelkii dadkii ay Khawaarijta ku dileen weerarkii Xeebta Liido, isagoo ballanqaadey in DFS ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay war murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii labaad ee culumada diinta oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkii lagu qaadey Xeebta Liido, laguna dilay dhalinyaro aan waxba galabsan uu ahaa mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi diray shacabka iyo qoysaskii dhalinyaradii lagu dilay weerarkii Xeebta Liido.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido isagoo sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, waxaana uu ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana fogaadaan kala qeybsanaan.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan Urur Goboleedka Bariga Africa.

9- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Asxaabta iyo Ururrada Siyaasadda ee Dalka.

10- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay shir degdeg oo looga warbixinayey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Xeebta Liido.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamad ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii Khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

12- Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan weerarkii Khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaaku bogaadiyay isbitaallada magaalada Muqdisho sida hufan ee ay ugu adeegeen shacabkii ku dhaawacmey weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa guddoomiyay kulan looga hadyay xoojinta amaanka magaalada Muqdisho.

15- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii kooxda Khawaarijta arxanka-daran ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

16- Ciidamada Qalabka Sida ayaa gacanta ku soo dhigay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo Khawaarijta u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtey afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

18- WasiirkaWaxbarashada ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey sidii loogu gurman lahaa shacabka ku waxyeeloobay weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

19- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa soo xiray kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix bilood oo xarig ah ku xukuntey dhallinyaro barfaha bulshada ka wadey falal kicin bulsho iyo naceyb. Waxaana xukunkani uu fariin u diraya dhammaan dadka sida xun u isticmaala baraha bulshada.

21- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororka dhaqaalaha ee dalka uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga dalka.

22- Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyay dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday Xeebta Liido.

23- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makka Al Mukarama uga qaybgalay shirka Wasiirada Awqaafta ee dalalka Islaamka.

24- Wafdi ka socda Urur Goboleedka Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka magaalad ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista.

==============DHAMMAAD==============

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga iyo safiirka Mareykenkaย  ee hay’adaha Qaramada Midoobay u fadhiya Rome

ROME:-(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga…

GudahaWararka
February 10, 2023

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay horumarinta maal gashiga dalka

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire oo uu wehliyo Agaasimaha…

GudahaWararka
September 5, 2023

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay geerida mid ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo…

WararkaWargayska
July 19, 2020

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay…

GudahaWararka
January 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023