Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: October 11, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.


==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan loogu duceynayay AUN Wasiir Khadiija Mohamed Diiriye oo lagu qabtay magaalada London

London (SONNA):- Waxaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka dhacay kulan tacsi ah oo loo sameeyay geeridii ku timid…

GudahaWararka
December 26, 2023

Ra”iisul wasaaraha XFS oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka dalka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa…

GudahaWararka
March 24, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Norway

Oslo-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr…

GudahaWararka
June 11, 2024

Ethiopia oo sheegtay inay dishay saraakiil sare oo TPLF ka tirsan, kuwa kalena la qabtay

Addis ababa (SONNA)- Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay dishay afar ka mid ah saraakiisha sare ee TPLF islamarkaana ay…

CaalamkaWararka
January 7, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023