Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 27, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka.

12- Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor.

14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab.
15- Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor .

17- Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay.

18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia.

19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau.

20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho.

21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

22- Xasan Xuseen Cali (Maxamed Deeq) iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta.

25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York.

26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

 

==DHAMMAAD===

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Muqdisho (SONNA)- Taliska ciidanka xoogga dalka oo gobolka Shabellada hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaq cadawga looga xoreynayo degaannada ay kaga sugan…

Wararka
March 4, 2020

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta Ah Ee Qaaradda Afrika “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda…

Wararka
August 13, 2020

Maraykanka oo qalab caafimaad ugu deeqay Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda USAID ee Maraykanka u qaabbilsan howlaha sama-falka ayaa Maanta Muqdosho soo gaarsiisay qalab caafimaad oo k kooban 350 Sariirood,…

Wararka
April 20, 2020

Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka oo kulan wada-tashi ah ka furay Muqdisho

Muqdisho.(SONNA)...Sii-hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlaayo sidii hay’adaha…

Wararka
September 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023