Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: November 28, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay masโ€™uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Warqadda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradda Xagjirka (P/CVE).

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Marooko uga qeybgaley Madasha Sanadlaha ah ee MEdays.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Heyโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda, oo looga hadlay horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan heyโ€™adaha garsoorka.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Xasan Yuusuf u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

12- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

13- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay tababar loo qabtay xirfadlayaasha ka shaqeeya nidaamka caddaaladda carruurta.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan heer sare ah oo ay yeesheen Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda.

16- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, halkaas oo looga hadlay amniga caalamiga ah, ka hortagga dembiyada xudduudaha, la dagaallanka scam-yada, iyo habraacyada casriga ah ee Interpol.

17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING) oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah isaga diiwaan geliyay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee magaalada Gaalkacyo, gobolka Mudug.

19- Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Munir KaraloฤŸlu.

20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qaabilay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr.Hideki Matsunaga.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo xusay horumarka Soomaaliya, dooraashooyinka ka dhacaya dalka iyo qadiyadda Falastiin.

23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Al-Makhzoumi ayaa Muqdisho ka furtay ololaha 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, kaas oo si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.

25- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda xarumaha Waxbarashada ee dowladdu u qorsheysay in lagu siiyo koronto bilaash ah oo laga dhalinayo cadceedda.

26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ayaa degaanka Cali Heele ee Galgaduud, ku dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee argaxisada Al Shabab, kadib hawlgal halkaasi ka dhacay.

27- Hayโ€™adda NISA ayaa degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilar horjoogihii argagixisada Al-Shabaab Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo ka masโ€™uul ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada amni-darrada ee gobolka.

 

==========DHAMMAAD============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga u xil saaran dib u daabicidda Shilin Soomaaliga

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay guddiga dib u daabacidda…

GudahaWararka
July 18, 2023

Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo billowday

Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan maanta daah furay Imtixaanka Aqbalaadda oo ka…

GudahaWararka
September 12, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka

Maxaas-(SONNA)-Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala…

GudahaWararka
September 6, 2023

Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

Qaar kamd ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah kooxaha khawwaarijta oo horay ay…

Gudaha
August 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023