Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: November 22, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Maalinta Macallinka ee 21-ka November awgeed hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Caalimka weyn ee diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF) u aqoonsadey garsoorihii ugu fiicnaa qaaradda Afrika ee sannadkan 2025-ka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr Yaxya Ibraahim Macalin inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Siyaasadda ee Xafiiska Madaxweynaha.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashooyinka Dowladaha Hoose, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hawlaha lagu soo gabagabeeyo waqtigooda.
6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayay dhalashada Boqor Charles-ka 3aad ee Boqortooyada Britain.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey 10-guuradii ka soo wareegtay markii Somalia ay saxiixday Axdiga Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay.

8- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashi Soomaaliya iyo Rwanda, hindisaha ka hortagga naafeynta xubinta taranka dhedigga, iyo istaratiijiyadda haweenka, nabadda iyo amniga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

9- Raโ€™iisul Wasaare,Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey caalimka Diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.

12- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, si loo xoojiyo qorsheynta iyo kormeerka mideysan ee hayโ€™adaha dowladda.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetangโ€™ula.

14- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

15- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Muqdisho ka furay Shirka Madasha Garsooreyaasha Soomaaliya, oo socday muddo laba maalmood ah. Waxaa shirkan diiradda lagu saarey hawlaha adeegga garsoorka, horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira.

16- Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, Kulanka waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal, dadaalada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, iyo maalgelinta Dowladda Soomaaliya ee lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa shir guddoomiyay kulan-hawleedka dhaqan-galinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2026-ka, kaas oo ay yeesheen saraakiisha Tiirka Siyaasadda Loo Dhan Yahay ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Warfaafinta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa furay tababar ku saabsan Habraaca Diyaarinta Tilmaamaha Shaqada, kaas oo ay bixinayaan khubaro ka socda barnaamijka SJGAP.

19- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarigga ka jartay xarunta Caawinta Degdegga ah ee Carruurta, oo loogu talagalay in carruurta ay si degdeg ah ula soo xiriiraan marka ay tacadi la kulmaan.

20- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xilka u kale wareejisay Wasiir Ku-Xigeenka cusub ee Wasaaradda Maryan Cali Abuukar iyo Wasiir ku xigeenkii Hore.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoonsiiyey hadiyad uu soo diray Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta ee Djibouti.

22- Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed oo ku beegen 21ka November.

23- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa shir gudoomiyey kulanka mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah, iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

24- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay xarunta shirkadda Gaalooge, oo soo dejisa cagafyada iyo qalabka casriga ah ee beeraha.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa la kulmey Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper AktaลŸ.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan ku saabsan kor u qaadista ganacsiga iyo shaqo abuurka la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Maxamuud CabdiKariim Gabeyre.

27- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa Nairobi kula kulmay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta ee Kenya, Marwo Alice Wahome.

28- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka hadlay madasha UNFCCC COP30 ee Belรฉm, ee dalka Brazil. isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ilaalinta nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

29- Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey Kulanka Daneeyeyaasha Caalamiga ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo lagu soo bandhigay horumarka xafiiska ee sannadka 2025 iyo qorshaha 2026.

30- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Caddikariim Axmed Xasan, ayaa tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo la baray ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta xilliyada doorashooyinka.

31- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland Development Cooperation (SDC), oo uu hoggaaminayay Ku-Xigeenka Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Geeska Afrika, Mr. Julien Peissard.

32- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa magaalada Djibouti kaga qayb-galay shir looga hadlayay Sanduuqa Dhaqaalaha Muhaajiriinta Gobolka.

33- Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka.

34- Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa loo aqoonsadey garsooraha ugu fiican qaaradda ee sannadka 2025.

35- Ciidamada Macaawisleyda ee Xarardheere ayaa dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan argagixisada Al Shabab, gacantana ku dhigay hub iyo saanad kadib hawlgal ay ka fuliyeen tuulada Dumaaye,ee gobolka Mudug.

==========DHAMMAAD============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee ๐†๐ฅ๐จ๐›๐š๐ฅ ๐†๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž (๐†๐†๐†๐ˆ)

Muqdisho(SONNA):-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee ๐†๐ฅ๐จ๐›๐š๐ฅ ๐†๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž (๐†๐†๐†๐ˆ) oo ay…

GudahaWararka
November 17, 2024

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah ardayda dhigata Schoolada ku yaalla Xuddur

Muqdisho (SONNA)-Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Guddaha dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed ayaa loo qabtay arday ka…

GudahaWararka
November 26, 2021

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 Mliyan oo Euro+ Sawirro

Muqdisho-(SONNA)- Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan…

Wararka
November 8, 2019

Shiinaha oo ka digay qas iyo colaado ka dhacda Aasiya

R/ wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa yiri โ€œAasiya waa inay ka fogaato qas iyo isku dhac haddii kale mustaqbalka gobolka…

Caalamka
March 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023