Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
    Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: October 31, 2025
7 Min Read
Share

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 31-ka October, 2025

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Djibouti kaga qeybgaley xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadeynta Soomaaliya ee lagu qabtey magaalada Carta sannadkii 2000.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabadda xuska Shirkii Carta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka guuleysan doonto ururrada argagixisada, isla markaana sii wadi doonto dadaallada xoojinta dowladnimada oo ku dhisan wadatashi iyo dib u heshiisiin.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billad sharaf ku maamuusay Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, doorkii uu ka qaatey taageerada iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Carta ee Djibouti Taallada Nabadda Soomaaliya.

5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday xarunta dhexe ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, si uu ugu kuur galo adeegyada muhiimka ah ee hayโ€™addu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

6. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ee lagu qabtay safaaradda Turkiga ee Muqdisho, isla markaana xusay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga uu astaan u yahay lixdan sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah.

7. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Prof. Saalim Caliyow Ibrow u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

8. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper AktaลŸ, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

9. Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2025-2026 iyo laba heshiis is-afgarad oo lala galay Uganda iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, amniga, iyo la-dagaallanka dambiyada.

10. Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay kulan looga hadlaayey Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaas oo ka faaโ€™iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

11. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan โ‚ฌ75 milyan oo Euro .

12. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Muqdisho, Alper Aktas,iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

13. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan booqasho ah ugu tagey magaalada Djibouti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

14. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan la yeeshay Dr. Gรฉza Andreas von Geyr, Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

15. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa dhigiisa Rwanda la saxiixday heshiis iskaashi oo diirrada saaraya dhaqaalaha, amniga, dhaqanka, iyo horumarinta bulshada.

16. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025-ka ay diyaaradii qaranka ee Soomaali Airlines ay dib u bilaabi doonta duulimadyada.

17. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo dhiirigelinta shacabka ka bilaabay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

18. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, isagoo kala hadley horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

19. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid dab-damis ah oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo badbaadinta shacabka .

20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa qalab casri ah oo warbaahineed ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AKTAลž.

21. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay kulanka wadatashiga ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Taxkiimka iyo Xeerka Caddeymaha (Evidence Law) oo looga dooday casriyeynta nidaamka garsoorka iyo sharciga ee dalka.

22. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards.

23. Danjiraha Dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalalka Tanzania iyo DRC Congo Ilyaas Cali Xasan ayaa la kulmay Guddoomiyaha gobolka Haut Katanga, isagoo kala hadley xaaladda Soomaalida ku dhaqan gobolkaas.

24. Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalay Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Dowladaha Carabta, oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

25. Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee nidaamka doorashooyinka tooska ah.

26. Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

27. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

28. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn ka fuliyay magaalada Buโ€™aale ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay horjooge Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey,oo ka mid ahaa aasaasyaashii kooxda Khawaarijta argagixisada.

29. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

===========DHAMMAAD==========

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay xafiisyada howlgalada dekedda Garacad

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka…

GudahaWararka
December 21, 2022

Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta oo cafiyay deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya

Tunisia (SONNA) Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, Mudane Cabdul Raxiim Suleymaan, ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka…

GudahaWararka
January 14, 2023

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Istaraatiijiyadda La Dagaallanka Musuqmaasuqa Ee 2020-2023

Muqdisho (SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen…

Wararka
June 4, 2020

Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Abdi kaariye Qoor,qoor oo u weheliyo Guddomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa…

GudahaWararka
February 8, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023