Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: September 19, 2025
7 Min Read
Share

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 19-ka September, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022โ€“2025).

2- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgeliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay magaalada Dooxa ayaa mar kale cambaareeyay weerarkii Israel ay ka fulisay gudaha dalka Qatar.

4- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan-doceed kula qaatay Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

5- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka Qatar Tamim bin Xamad Al Thani, waxaana Madaxwaynaha uu Amiirka la wadaagey sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda Qatar.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo lagu xoojinaayo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey Telefishanka Al-Arabiya adkeysiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

8- Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, iyadoo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati ka yihiin dadka Soomaaliyeed.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022โ€“2025) ayaa sheegay guulaha ay xukuumada gaartay inay saldhig u ahaayeen shuruucyo la meel mariyay oo midnimo iyo wadajir xambaarsana.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku tagay xarunta dhexe ee heyโ€™addaasi.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada ay bixiso dowladda ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

13- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan dadweyne ka qeyb galay ayaa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabey suโ€™aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

14- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Cuteybi, iyaga oo ka wadahadley iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley.

16- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaash Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

18- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagg xuso dunida 17-ka Sebtembar.

19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furay kulanka wadatashiga ee Xeer-Nidaamiyayaasha Daawada iyo Agabka Caafimaadka oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda ee Daawada Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Mr. Wang Yu.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper AktaลŸ,iyagoo ka wadahadlay dhinacyada difaaca ,tababarada iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

22- Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Xirsi Gaani ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku saleysan.

23- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo diiradda lagu saaray hubinta badeecadaha dalka soo galaya iyo badeecadaha dalka laga dhoofinayo.

24- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho.

25- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka ugu qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda, ayaa kulamo doceedyo la qaatay wasiirada dhiggiisa ee shirkaasi ka soo qeyb galey.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabiyey weerar gaadmo ahaa oo Khaawarijtu ku soo qaadeen degmada Ceel Dheer Gobolka Galgaduud, isla markaana maleeshiyaad badan gacanta looga dhigay.

28- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo ku eedeysan maalgelinta argagaxisada iyo lacag dhaqida ayaa lagu xukumay 15 sanno iyo $20,000 oo ganaax lacageed ah.

29- Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniino adag ka soo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban.

30- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Ceel Dheer, kulan dhiirigelin iyo duco ha la qaatey ciidamada halkaasi ku sugan ee dhowaan jabka xooggan u geystay Khawaarijta.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo qalab ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, ayaa qalab koronto oo lagu tababarayo maxaabiista ku jirta jeelasha ku wareejisay xarunta…

GudahaWararka
September 15, 2024

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxa uu ka qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ka…

GudahaWararka
August 31, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo soo xiray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda

Muqdisho(SONNA);-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga kor-jogteynta tirakoobka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali…

GudahaWararka
March 12, 2023

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee wada hadalada Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabbuuti

Muqdisho (SONNA) Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah…

GudahaWararka
April 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023