Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: September 12, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Addis Ababa, Raโ€™iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, iyagoo kulanka diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo Xireenka Ethiopia (GERD) oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgelinta hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika, isagoo isla markaana kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya,William Ruto.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga qaaradda Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.
6- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta hawlwadeenada imtixaanka qaranka ee 2024โ€“2025-ka iyo xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo biowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.

8- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka degaanka ayaa jab xooggan u geystay maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab oo isku dayey inay soo weeraraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.

11- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.

12- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya Cazuuz Nasri.
13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray dhismaha Waddada Daarusalaam, wejiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

14- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir fogaan-arag ah (virtual meeting) la yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sare ee Qaramada Midowbay u qaabbilsan La-dagaalanka Argagixisada (UNCTED) Marwo. Natalia Gherman.

15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxamaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la yeeshay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka (UN Women) ee Soomaaliya.

16- Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustafe Mukhtaar ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb-gashay shir looga hadlayay tacliinta sare ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

17- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israaโ€™iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday guryo shacabka ay deggan yihiin.

18- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha Sannadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

19- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa magaalada Aljeris kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, iyo Kalluumaysiga ee Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa.

20- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) aya kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ,Francesca Di Mauro iyo Ku-Xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

21- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan, Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa magaalada St. Petersburg ee dalka Russia kaga qeybgaley Madasha Caalamiga ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda.

23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

24- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo ay shacabka degmada Buur Hakaba si isku-tashi ah u dhisteen.

25- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka biniโ€™aadannimada ee dalka.

26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay furitaanka Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair) oo lagu qabtay dalka Aljeeriya.

27- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga ee Koonfur-Galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo adkaynta sharciga ciidanka.

28- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku yimid dalka.

29- Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta kaas oo lagu beegsadey kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu diley deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa'iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya,…

GudahaWararka
July 31, 2024

Munaasabadda Daah Furka Goโ€™aamadii Shirka dhab u Heshiisiinta DFS Iyo Somaliland โ€œSawirroโ€

Jabuuti, Juun 15, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka goโ€™aamadii…

Wararka
June 15, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Cusub ee dalka Taliyaaniga

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay…

GudahaWararka
April 15, 2024

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dalka dib ugu soo laabtay

SONNA (MUQDISHO) Raโ€™iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamedย  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo…

GudahaWararka
May 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023