Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: August 22, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Jimco, 22-ka August, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulanka isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay iskula xisaabtameyso wixii ka hirgalay qorsheyaashii shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay, caqabadaha yimid iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda iyo hey’adaha hoos yimaada, oo muddo saddex maalin ah ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

8- Golaha Wasiirradaayaa ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Internetka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

9- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu dhammaaday.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallijn Fiqi Ahmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku booriyeen ciidamada iyo shacabka inay sii wadaan dadaalkooda dalka looga xoreynaaya Khawaarijta.
11- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in la soo xiray diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

12- Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawgal ay ka fuliyeen degmada Aw Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey kulanka Golaha cusub ee Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Adam ayaa kulan la qaatey Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, waxaana kulankan diiradda lagu saaray sida loola tacaalayo gaajada iyo macaluusha.

15- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaanka Saxiixa Danabeysan ee Maamulka Lacag Bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib, munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka , Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

18- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyaa oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa 20 weriye tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka ugu qabtey magaalada Jowhar.

19- Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa si’ rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaadda, kaddib ,markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.

20- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska ,oo uu hoggaaminayay G/Sare Richard Grover.
21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Azerbajan oo dalka booqasho ku joogay.

22- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Saneey Dalmar ayaa daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee tababaridda khubarada fidinta adeegyada xanaanada xoolaha.

23- Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

24- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.

25- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si’ rasmi ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

26- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka hawlgala degaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda.

===========DHAMMAAD==========

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo soo dhoweysay guulaha ay gaartay DFS

London-(SONNA)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain ayaa si weyn u taageertay guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.…

GudahaWararka
January 8, 2025

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮” 𝗛𝗮𝗱𝗮𝗳𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗼 𝗰𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗮𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻”

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas…

GudahaWararka
May 18, 2023

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay - jiritaanka anticline,…

GudahaMaqaalladaTechnologyWararka
June 14, 2025

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo shir deg deg ah ka yeeshay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho,( SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay…

GudahaWararka
March 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023