Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
MaqaalladaWararka

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

By Cumar
Last updated: December 9, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?” jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto wax ka qiimo badan nidaam dawladeed oo shaqeynaya. Dawladnimadu waa saldhigga iyo tiirka koowaad ee ay ku istaagto horumarka bulsho kasta.

Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada (International Civil Aviation Day) ee la xusay maanta, waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Munaasabaddan ayaa ahayd tusaale cad oo muujinaya in marka hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u shaqeeyaan ay gaari karaan guulo la taaban karo, isla markaana ay bulshada u soo bandhigi karaan adeegyo muhiim u ah dalka iyo dadka.

Qodobada Muhiimka ah ee Hannaanka Dawladnimo:

Nabadgelyo iyo Kala Dambeyn: Ujeedada ugu horreysa ee dawladnimadu waa in ay sugto amniga guud, taas oo u oggolaanaysa muwaadiniinta in ay si nabad ah u noolaadaan, una gutaan waajibaadkooda nololeed.

Saldhigga Horumarka Dhaqaale: Bulsho kasta oo hormartay, waxay ku hormartay adkeynta dawlad-dhiska. Nidaamka dawliga ah ee hanaqaada ayaa abuura jawi ganacsi, maalgashi, iyo shaqo abuur, iyadoo la raacayo sharciyo cadcad.

Bixinta Adeegyada Aasaasiga ah: Dawladdu waxay mas’uul ka tahay in ay bulshada gaarsiiso adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha (waddooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha, iwm.).

Matalaad Caalami ah:

Dawladnimadu waxay dalka siisaa cod iyo meel uu ku yeesho masraxyada caalamka, taasoo u sahlaysa in uu ilaashado madaxbannaanidiisa, sharcigiisana uu ku difaacdo danihiisa diblomaasiyadeed.

Guusha ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Hawadu gaareen Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada, waa tusaale nool oo dhiirrigelinaya in dadkeennu ay u ooman yihiin nidaam dawladeed oo dhammaystiran oo shaqeeya.

Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in Alle inoo suuragaliyo in aan si wadajir ah u adkeysanno oo aan u hagaajinno hannanka dawladnimo, si aan u gaarno mustaqbal ifaya oo horumar leh.

Qore: Mohamed Abdi Osman “Faradheere”,

Agasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul…

GudahaMaqaallada
May 30, 2021

Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo war-murtiyeed laga soo saaray

Muqdisho (SONNA): Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, ayaa soo saaray War-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka…

GudahaWararka
December 29, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar ku qaabilay diblomaasiyiin ka socda safaaradda Maraykanka

Jowhar (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta magaalada Jowhar kula kulmay wakiilo ka socday…

GudahaWararka
June 4, 2024

Mareykanka oo damaca Itoobiya ku tilmaamay mid halis ku ah xasilloonida gobolka

Muqdisho(SONNA)-Dawladda Maraykanka ayaa mar kale si aad u culus uga hor timid xad gudubka Ethiopia ee ka dhanka ah dalkeenna,…

GudahaWararka
January 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023