Muqdisho (SONNA) Khawaarijta Al-shabaab afartii bilood ee la soo dhaafay waxaa ay la kulmeen khasaare xooggan oo soo gaaray Maleeshiyaadkooda, waxaana Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka kala wareegeen deegaanno badan oo ka tirsan Golada dalka.
Khawaarijta waxaa ay markasta caadeysteen in ay biyaha ka jaraan, ka hor inta aysan ka bixin deegaannada laga xorreeyay, taasi oo khatar ku ah Bulshada Soomaaliyeed ee Ceelasha ku tiirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa dayactirtay dhammaan ceelasha ay burburiyeen Khawaarijta.
Haddaba, Maxaad kala socotaa tirada ceelasha biyaha ee Khawaarijtu ka burburisay Galmudug iyo Hirshabeelle ee dib loo dayactiray?