Muqdisho(SONNA):-Warbaahinta qaranka oo heshay Liiska odayaal khawaarijtu xir xirtay
Ciidamadda xoogga iyo kuwa degaanka kadib gulufka dagaal ay ku qaadeen khawaarijta waxa ay suurta galisay in khawaarijta laga saaro degaanna iyo tuulooyin badan oo katirsan gobolada dalka,waxan xiligaan khawaarijtu mareysaa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,iyadoo geesiyasha xoogga dalka ay uga dabagalayaan meel walba oo ay isku dayaan in gabaad ka dhigtaan khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.
War ay heshay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa xaqiijisay in odoyaal dhaqameedyo khawaarijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee shacbka sida xoogga ah looga qaadi jiray ay wajahayaan xiligaan xaalad qatar ah kadib markii khawaarijtu ay ka dhigtay qaar ay Dishay iyo kuwa ay ku xir-xirtay degaanno hoostaga degmooyinka Ceelbuur,iyo degaanka Coosweyne oo hoostagta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Odayashaan ay xireen khawaarijta ayaa la shegayaa in inta badan ay ka soo jedaan Hiiraan iyo Bakool,waxan la sheegay in odayaashaan ay dhibaata xooggan ku hayeen shacabka deeganada ay kasoo jeedaan.
Magacyada odayaashan oo warbaahinta qaranku heshay ayaa kala ah 1: Maadeey, 2: Siidow Jiis kuwaas oo khawaarijta u qaabilsanaa lacag ururinta.
Xariga odayaashan ayaa waxa amray horjoogaha Maaliyadda Jubbooyinka Abu Cabddala oo magaciisa hore ahaa Xiiray isagoo amar sare oo ugu adeegayo ka haysta horjoogaha sare ee Cabdikariim Horseed.