Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya & Jabuuti oo iskaashi wadashaqeyn iyo mataaneyn ah ku kala saxiixday Jabuuti
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya & Jabuuti oo iskaashi wadashaqeyn iyo mataaneyn ah ku kala saxiixday Jabuuti
GudahaWararka

Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya & Jabuuti oo iskaashi wadashaqeyn iyo mataaneyn ah ku kala saxiixday Jabuuti

By Khadar Mahdi
Last updated: July 11, 2024
2 Min Read
Share

Jabuuti (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan.

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti Warbaahinnada Qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaan Maxamed Islow: “Waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta…

GudahaWararka
July 14, 2024

Qaramada midoobay oo ka digtay macluul ay dunida wajaheyso

Qaramada Midoobay ayaa bilawday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo waddamada ugu saboolsan adduunka, taas oo…

Wararka
July 17, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada…

GudahaWararka
September 14, 2025

Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay ilaa saaka hawlgalo duqayn ah ka fuliyay Jabad Godane

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay fuliyay howlgal lagu beegsaday goobo bartilmaameed ahaa oo maleeshiyaadka Khawaarijtu ay kaga…

GudahaWararka
January 1, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023