Muqdisho (SONNA)- Maamulkaย qeybta arrimaha Siyaasadda ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tababar aqoon kororsi ah u soo gabagabaysay wakiillo qaybaha bulshada ah oo ka socda Hirshabeelle, kaasย la xiriiray xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta.
Tababarka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday maamulka Hirshabeele, Odayaal dhaqan, Haween iyo dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.
Tababarkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa xubnihii ka qeybgalay ay halkaasi ku qaateen daruus ku saabsaneyd ย dhex-dhexaadinta khilaafaadka iyo ย xoojiyo wadiiqooyinka aasaasiga ah ee dib-u-heshiisiinta.
Mas’uuliyiinta hawlgalka AMISOM ayaa ka qaybgalayaasha tababarka ku bogaadiyey inay qaateen aqoon kororsigan oo waxtar u leh bulshada, kana caawin doona inay ku guulaystaan xalinta khilaafaadyada bulshada iyo dib u heshiisiinta.