Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin) 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin) 
GudahaMaqaallada

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin) 

By Kulane
Last updated: January 5, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah oo ay maamulaan shirkado ama hey’ado gaar ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladahaan waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran xarumahooda caadiga ah sida wargeysyada,Idaacadaha, taleefishinada iyo shabakadaha kale ee ku shaqeeya qalabka Internetka ee fududeeya maclumaadka laga helo Webside-yada iyo baraha bulshada.

Marka laga yimaado wakaaladaha caalamiga ah oo loo aqoonsan yahay Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass,waxaa jira waakaalado dowliga ah oo badanaa ay gacanta ku hayaan xukuumadaha,kuwaas oo ku hadla afka dowladda, waxayna gudbiyaan wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.

Guud ahaan wakaaladahaan waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka ,isla markaana looga fogaan lahaa wararka beenta ah ee dhaawici kara xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.

Qeybahaan waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan mas’uuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegatay dhismaha wakaalad dhinaca wararka u qaabilsan Dowladnimada Soomaaliya .

Wakaaladda SONNA waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii, waana adeegga ugu weyn xagga wararka ee ay maamulaan wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladdaan ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo isna la daah-furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray afka Soomaaliga iyo dhowr luqadood oo kale.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’adda ugu sareysa  warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo  ,dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo xarumaha kale ee gaarka ah.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda waa warbaahin shaqeysa 24-saac , waxayna xiriirro shaqo la leedahay dalal badan sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaaladda wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii  madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.

Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka shaqo ee aan looga maarmin habka diijitaalka internetka,kaas oo si dhaqso ah u gaari kara daafaha dunida.

Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.

Waxaa jira qorshayaal la doonayo in SONNA xilligaan iyo mustaqbalka soo socda ay ku howlgalaan waxaana kamid ah:-1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee goboladaa iyo caalamka.

7– tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u sameeyaan wax soo saar ka badan shaqada ay hadda qabtaan.

Iyadoo laga faa’idesanaayo fursadda xuska maalinta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed,waxaa halkaan hambalyo ku aadan munaasabadda maalintaan hambalyo diray madaxda wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS,iyagoo maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA kala qeybgalay dabbaaldegga xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.

Gabagabadii Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda Warfaafinta XFS waxa ay maamulka iyo shaqaalaha SONNA kula dardaarmeen in ay labalaabaan howlaha dhinaca warbaahinta ee ay u hayaan umadda,iyagoo u rajeeyeen in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐰𝐚𝐚𝐪𝐨 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡”

Muqdisho(SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa…

GudahaWararka
June 30, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kor u qaadeyso dadaallada lagu tallaalayo bulshada ee Caabuqa COVID-19

Muqdisho (SONNA)-Soomaaliya ayaa maanta ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka…

GudahaWararka
August 12, 2021

Bankiga dhexe oo laan ka furanaya Galmudug

Dhuusamareeb-(SONNA)-Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa si diirran loogu soo dhooweyay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee…

GudahaWararka
August 9, 2023

Galmudug oo maanta shaacisay Kuraasta ugu horreeysa ee Aqalka hoose BFS

Dhuusamareeb-(SONNA)-Guddiga doorashada Galmudug wuxuu Maanta Shaaciyey 5-ta Kursi ugu horreysa oo ay qabanayaan doorashadooda Maalmaha soo socda. Kuraastaan oo kala…

GudahaWararka
November 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023