Muqdisho(SONNA):-Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga si ay uga qeyb galaan shirka Isbaheysiga Ciidanka Wadamada Islaamka ee la dagaalanka argagaxisadda.
Shirka ayaa diirada lagu saari doona hindasiyaasha la dagaalanka argagaxisadda.
Isbaheysigan oo la yagleelay 2015 ayaa waxaa uu ka kooban yahay 42 dal waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay aasaasa yaasha.