Baydhabo-(SONNA):- Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa shalay booqday mashaariic muhiim ah oo laga maalgeliyo Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya (SJF) kuwaas oo ka socda xarumo ku yaala magaalada Baydhabo. Mashaariicda la kormeeray waxaa ka mid ahaa Mashruuca Saameynta, Barnaamijka Caddaaladda iyo Hagaajinta, Barnaamijka Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo in si dhow loo ogaado guulaha iyo caqabadaha mashaariicdan, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo saamaynta ay ku leeyihiin adeegyada muhiimka ah ee bulshada Baydhabo.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, oo ay wehliyeen Wasiirada Haweenka iyo Biyaha, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, iyo Madaxa Sanduuqa Maalgelinta Mashaariicda Qaramada Midoobay, Peter Nordstrom.