Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suriya Asaad Al-Shaibani iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya,iyagoo wadahadallo lagu soo celinayo xiriirka labada dal la leh madaxda ย boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Difaaca Murhaf Abu Qasra iyo Madaxa Adeegga Sirdoonka Guud Anas Khattab,kuwaas oo maalinimadii shalay gaarat Sacuudiga.
Wafdigaan oo ah Diblumaasiyiintii ugu sarreeyay ee booqda Sacuudiga yaa ujeedkoodu yahay in dib loo furo bog cusub ama dib loo cusbooneysiiyo xiriirkii gobolka.
Booqashadan oo bilaabatay galinkii dambe ee shalay ayaa ku soo beegantay wax ka yar hal bil markii madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-asad ay xoogaga fallaagada xukunka ka tuureen 8-dii December.
“Waxaan hadda joogaa Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya,waxaan rajaynaynaa inaan furno bog cusub oo khuseeya xiriirka Suuriya iyo Sacuudiga kaas oo ku habboon taariikhda dheer ee ay wadaagaan labada waddan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya.
Booqashada Wafdiga ka socda Suuriya ayaa yimid xilli wasiirka Aeeimaha Dibadda Sacuudiga uu casuumaad u fidiyay sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya.
Al-Shaibani ayaa 21-kii December loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, isagoo noqday dublamaasigii ugu horreeyay ee taga Sacuudi CArabiya tan iyo markii la afgambiyay Al-Asad.