Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa sheegay in ay diidan yihiin qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in heshiis nabadeed dhex dhigo Maamulka Falastiin iyo Xukuumadda Isra’iil.
Xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka oo shir manta ku qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa bayaan ay soo saareen ugu baaqaay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah in aysan ku lug yeelan qorshahaasi,isla markaana aysan iskaashi la sameyn maamulka Mareykanka ee fulinaya.
Qorshahs Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah abuuritaanka laba dowladood wuxuuna,u ballan qaaday Falastiiniyiinta dowlad u gaar ah,waxaana muuqata in heshiiska Trmp ay ku jiraan qodobo Isra’iil siinaya maamulka magaalooyinka Bariga Qudus iyo Daanta Galbeedf