Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida
Wararka

UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida

By Kulane
Last updated: July 23, 2020
7 Min Read
Share

Sida ay tibaaxday warbixin ay maanta soo saartay hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan oo sida ugu dhakhso badan loogu bilaabo dadka dunida ugu saboolsan, ayaa hoos u dhigi kara kor u kaca hadda jira ee xaaladaha COVID-19, maadaama uu barnaamijkaasi ku dhowaad saddex bilyan oo qof guryaha ku hayn doono.

Warbixinta oo loo bixiyay, Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan: oo lagu Badbaadinayo Dadka Saboolka ah iyo kuwa Nugul ee ku nool Dalalka soo Koraya, ayay warbixintu ku qiyaastay in bil kasta loo baahan doono lacag dhan $199 bilyan oo Doollar si dakhli asaasi ah oo muddo goโ€™an socda loogu dammaanad qaado dad gaaraya 2.7 bilyan oo qof oo khadka saboolnimada ka hooseeya ama madaxa kala baxay oo ku kala nool 132 dal oo soo koraya.
Gunaanadka warbixnta waxaa lagu sheegay in tallaabadaani ay tahay mid s

uurogal ah oo si degdeg ah loogu baahan yahay iyadoo toddobaad kasta ay dad ka badan 1.6 malyan oo qof, oo u badan dalalka soo koraya ay la soo dhacaan xanuunka safmareenka ah, dalalkaasoo tobankii xoogsato ahba sagaal ka mid ahi ay noloshooda kala soo baxaan ilaha dhaqaale ee aan rasmiga ahayn, taas oo macneheedu yahay inaysan wax dakhli ah heli karin haddii ay guryohooda fariistaan.

Dadkaas tirada badan ee aan dalalkoodu barnaamijyada caymiska bulshada lahayn, waxay u badan yihiin xoogsato, dadka mushahaar yar ku shaqeeya, haween iyo dhallinyaro, qaxooti, dad socdaal ku yimid iyo dad naafo ah โ€“ dadkaasoo ah kuwa ay dhibaatadaani sida aadka ah u taabatay. UNDP waxay bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafay qiimeyn ku sameysay raadadka dhaqan-dhaqaale ee COVID-19 uu ku yeeshay dalal 60 kor u dhaafaya, iyadoo natiijadii ka soo baxday ay muujisay in xoogsatada aan haysan caymis bulsho aysan gurigooda dakhli laโ€™aan iska fadhiyi karin.

Dakhli Asaasi ah oo Muddo Goโ€™an socda ayaa dadkaas siin doona awood ay cunto ku gataan oo ay kharashyada caafimaadka iyo waxbarashada isaga bixiyaan. Waxaa intaas dheer, in arrintaani ay dhaqaale ahaan suurogal tahay: Tussale ahaan, si loo bixiyo Dakhli Asaasi ah oo lix bilood ku Muddaysan, waxaa loo baahan doonaa oo kaliya boqolkiiba 12 ka mid ah miisaaniyadda guud ee sannadka 2020 loogu talogalay ka hortagga COVID-19, ama wax u dhigma saddex-meeloodow-meel lacagta ay tahay in dalalka soo koraya ay amaahda lagu leeyahay ka bixiyaan sannadka 2020.

โ€œWaa baaq la soo saaray xilliyo aan iyagoo kale horay loo arag, oo wax looga qabanayo xaalado bulsho iyo kuwo dhaqaale oo aan horay dunida u soo marin. Waa qorshe la doortay oo Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan lagu siinayo dadka dunida ugu saboolsan. Dhawr bilood ka hor arrintaani waxay dadka ula muuqatay arrin aan suurogal ahaynโ€ ayuu yiri Maamulaha UNDP, Achim Steiner.

Isagoo raaciyay โ€œTaageerada maaliyadeed ee dawladdu bixiso iyo qorshayaasha kabista dhaqaaluhu waa inaysan ku koobnaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiyada waawayn oo kaliya. Dakhli Asaasi ah oo Muddaysani wuxuu dawladaha u oggolaan doonaa inay dadweynaha bandowga ku jira taakulayn dhaqaale u fidiyaan, oo lacag caddaan ah dhaqaalaha dalka ku fatahaan si ganacsiyada yaryari u badbaadaan, iyadoo isla markaas hoos loo dhigayo fiditaanka baโ€™an ee COVID-19.โ€

Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani xal mucjiso ah uma aha culayska dhaqaale ee xanuunka safmareenka ahi keenay, ee waxaa jira tallaabooyin kale oo dawladuhu ay qaadi karaan sida; badbaadinta shaqooyinka, kordhinta taageerada la siiyo shirkadaha yaryar, kuwa madaxa la soo kacaya iyo kuwa heerka dhexe iyo adeegsiga aaladaha casriga ah si loo aqoonsado oo loo gargaaro dadka la takooro.

Hab ka mid ah hababka ay dalalku u hirgelin karaan barnaaminka Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani wuxuu noqon karaa, iyadoo dalalku lacagtii ay sannadkaan adeegga amaahdooda ku bixin lahaayeen u leexiya barnaamijkaan. Sida ay sheegayso xog rasmi ah, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaalohoodu madaxa la soo kacayo waxay amaahda lagu leeyahay sannadkaan ku bixin doonaan kharash gaaraya $3.1 tirilyan oo Doollar. Amaah bixinta oo gebi ahaanba laga joojiyo dhammaan dalalka soo koraya, sida uu ku baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa si ku meelgaar ah dalalkaas ugu oggolaan doonta inay dhaqaalahaas u weeciyaan tallaabooyinka lamahuraanka ah ee lagula tacaalayo raadadka taban ee ka dhashay mahadhada COVID-19.

Dhawr dal ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku hirgelinayaan Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysan. Dawladda Togo waxay barnaamij lacag xawilis ah, gargaar maaliyadeed oo ka badan $19.5 malyan oo Doollar si bille ah ugu qaybisay boqolkiiba 12 ka mid ah muwaadiniinta dalkaas, oo u badan haweenka ka shaqeeya ilaha dhaqaalaha ee aan rasmiga ahayn. Dawladda Spain waxay iyaduna hadda oggolaatay miisaaniyad bil kasta โ‚ฌ250 malyan oo Yuuro lagu kabayo dakhliyada 850,000 qoys oo taag daran iyo 2.3 malyan oo dad kaligood nool ah si dakhliyada dadkaas loo soo gaarsiiyo heerka ugu hooseeya ee nolosha caadiga ah.

Xanuunka COVID-19 wuxuu kor u sii qaaday kala sarreyntii dadka ee heer caalami iyo heer qaranba, wuxuuna abuuray sii kala fogaansho si baโ€™an dadka taagta daran u saameysay. Iyadoo sannadkaan 2020 gudihiisa, ay ilaa 100 malyan oo qof oo kale u durkeen dhinaca saboolnimada aadka u daran, 1.4 bilyan oo carruur ahna ay saameysay xiristii iskuulladooda la xiray, shaqo laโ€™aantuna ay xadkii ugu sarreysay gaartay, meheradihii dadweynuhuna meesha ay ka bexeen, ayay haddana UNDP saadaalinaysaa in horumarka insaanka (Human Development) ee caalamku uu sannadkaan markii ugu horreysay hoos u dhici doono, laga soo bilaaabo markii la allifay qiyaasidda horumarka insaanka.

Hayโ€™adda UNDP waxay hoggaanka u haysaa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Qaramada Midoobay (UN) ugu talogashay ka soo kabashada COVID-19, waxayna hirgelisaa istaraatiijiyooyinka soo kabashada bulshooyinka iyo dhaqaalaha ee dalalka dunida oo dhan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo tababar u furay ciidanka ilaalada deegaanka Xamar

Muqdisho-(SONNA)-Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,…

GudahaWararka
June 21, 2023

Ismaaciil Muqtaar Cumar oo loo Magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa Afhayeenka wasaaradda u magacaabay…

Wararka
November 14, 2019

Afhayeenka ciidanka Booliska oo warbaahinta uga warramay dhacdooyinkii ka dhacay dalka

Muqdisho (SONNA):- Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa kawarbixiyey xaladihii ugu danbeeyey ee dalka…

GudahaWararka
November 30, 2023

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka Cudurka Qaaxada

New york (SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa Khudbad ka jeediyey…

GudahaWararka
September 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023