Myanmar.(SONNA):- Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa dhintay , kadib markii ciidanka Myanmar ay rasaas ku fureen mudaaharaadayaal kasoo horjeeday xukunka militariga ee dalkaas.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay rasaasta ciidanka.
Ciidanka Myanmar ayaa awood u adeegsanaaya shacabka si ay u joojiyaan bannaanbaxyada dalkaas ka socda tan iyo markii ay afgenbiyeen xukuumaddii rayadka billaawgii February.