Istanbul (SONNA): Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hayโadda SoDMA u dirtay dalkaas.
Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hayโaddaha kala ah bisha cas Turkiga (Kฤฑzฤฑlay ) iyo hayโadda maareeynta musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).
Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan hayโadda SoDMA ku dhawaaqday.