Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka
GudahaMaqaallada

Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka

By Kulane
Last updated: June 25, 2024
4 Min Read
Share

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u galeen raadinta xoriyadda iyo madaxbanaanida dadka iyo dalka.

Haddaba,dal kasta oo dunida ka jira wuxuu leeyahay maalmo la maamuuso kuna astaysan sooyaalka taariikhda dalalkaasi.Dadka Soomaaliyeed waxay Kifaax taxane ah u soo galeen difaacidda iyo xoreynta dalkooda kaasi oo soo bilaawday qarnigii 15aad, markaasi oo uu gumaystuhu bilaabay inuu soo damaaciyo ciidda Soomaaliyeed.

Maalmahaas qiimaha badan ee ku xusan taariikhda Halganka Gobanimadoonka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah 11 Jannaayo 1948dii oo ah maalin ka mid  ah maalmaha qiimaha badan ee ku xardhan quluubta dadka Soomaalida.

Dadaaalkii iyo kartidii Xisbiga S.Y.L ay ku  Maamulaayeen qadiyaddii gobanimo doonka ee dalka waxay keentay in arinta Soomaalida dhowr jeer la dhaxdhigo  Umadaha midoobay.

Subixnimadii 11kii Jannaayo 1948kii xubnihii SYL ayaa ku dhaqaaqay sameynta bannaanbaxyo iyo dhoollatus lagu muujinaayo rabitaanka dowladnimo ee Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay dalka u soo dirtay guddi u xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Guddigasi waa ay ahaayeen dawladihii afarta ahaa ee ku guulaystay Dagaal weynihii 2aad ee dunida sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midawgii Soofiyeeti,waxayna ujeedadoodu aheyd Ineey hubiyaan waxa dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Xisbiga gobannimadoonka S.Y.L wuxuu  wada tashi uu la yeeshay shacbiga Soomaaliyeed ka dib  uu go`aansaday  afar aragtiyood oo  kala ahaa :-

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu  xilligaasi ahaa  dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.
  2. Midda labaadna waxaa la is tusay in Ingiriiskuna aan la aamini karin maaddaama uu yahay dawlad gumeysi oo gun ah, Inkasta oo uu sheegayay inuu doonayo in Soomaalida oo idil uu meel isugu keenayo, loona riyaaqay oo haddana aanan la aamini Karin.

3- in Soomaaliya la siiyo muddo cayiman oo Xornimo gaarsiin ah korna ay ka ilaalinayaan Afarta dowladood ee waaweyn.

4- In mudadaas la diyaariyo nidaamka maamulka iyo dastuurka, si dhamaadka waqtigaas dalka la gaarsiiyo xornimo buuxda iyo madax bannaani.

Dadku waxay iyagoo taageeraya xisbiga ka qeybgaleen abaabulka iyo munasabadda bannaanbaxa, waxaana xaruntii Leegada lagu reebay dad kooban oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan.

Isla xilligaasi uu socday bannaanbaxa waxaa taageerayaashii SYL oo ka maqan xaruntoodii soo gaartay qaylodhaan ah in la soo weeraray xarutii SYL oo ay soo weerareen kooxihii Soomaalida ee Talyaaniga taageersanaa si ay uga hortagaan una  carqaladeeyaan bannaanbaxaas.

Intaa ka dib, taageerayaashii SYL waxay isu qaybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar ka hortaga Ciidamadii Talyaaniga. Waxaa maalintaas weerarka lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55 kale. Dagaalkaasna wuxuu la magacbaxay HANNOOLATO, waxaa dhanka Soomaalida kaga dhintay maalintaas dad dhowr ah oo ay ka mid ahayd gabadhii caanka ahayd Xaawo Cissmaan Taako. Allaha u Naxariistee.

Inkastoo si guud loo xuso maalmaha xoriyadda haddana,11ka Jannaayo ee 1948-dii,waxa ay leedahay ahmiya gaar ah oo aan la iloobi Karin,isla markaana ku qoran taariikhda halganka Soomaalida,sidaa aawadeed,waa waajib in mar kasta loo istaago xuska maalmaha xoriyadda maxaa yeelay qof aan taariikhdii hore wax ka baran, tan soo socotana ma ogaan karo.

Abuukar Gob-doon

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa qaabilay danjiraha Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u…

GudahaWararka
March 17, 2024

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka ee Agoonta Boliiska

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta…

GudahaWararka
December 8, 2025

Wasiir Rooboow oo sheegay in hoos loo dhigay lacagihii ay bixin jireen Xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in hoos loo dhigay lacagihii ay bixin…

GudahaWararka
May 15, 2024

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka. Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka…

GudahaWararka
November 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023