Israel ayaa lagu waramay in ay xoojisay duqeymanka lala beegsanaayo Rafac,halkaasi oo saacadihii u dambeeyay lagu dilay 8 caruur ah.
Sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyay olole lagu qabqabtay dad badan oo tayid ah.
Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ay xilligaan ku xayiran yihiin Rafah,kuwaas oo uu tilmaamay in aysan heysan meel ay aadaan.
Madaxa Qaramada Midoobay waxa uu ka digay in mar kale la barakiciyo dadka megenta ku ah Rafac ee aan laheyn guryo iyo rajo kale.
Ciidamada koonfurta Lubnaan ayaa la soo sheegayaa in ay gantaal weyn ku weerareen Israa’iil ,ka dib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay dileen taliyihii Hezbollah ee Nabatieh.
Ugu yaraan 27,840 qof ayaa la dilay 67,317 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.