Qeybtan waxaan uga hadleynaa Waxbarashadii ka dambeeysay sanadkii 1991-kii:- Dagaalladii sokeeye iyo qarankii oo dumay ayaa waxay keeneen in gebi ahaan-ba uu burburo aasaaskii waxbarashada ee uu dalku lahaa. Hase yeeshee, waxaa haddana wax qabad xooggan laga sameeyay dib-u-soo noolaynta aasaaskii waxbarasho ee dalka qaybihiisa oo dhan sida koonfurta iyo bartama, Puntland iyo Somaliland. Colaadda iyo nabadgelyo darrada daba dheeraatay ee ka jirtay koonfurta iyo bartamaha ayaa waxay adkaysay in dib loo dhiso waxbarashada laakiin marnaba ma aysan joogsan dadaalladii ay dadyow kala gadisani dib ugu soo noolaynayeen waxbarashada.
Soomaalida gudaha ku nool, kuwa dibad joogta ah iyo hayโadaha Islaamiga ah ayaa dadaal xooggan u galay sidii ay u soo noolayn lahaayeen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya (HWS). Sidoo kale, dalladaha iyo ururrada waxbarashada sida (FPENS) ayaa iyaguna kaalin wax ku ool ah ka qaatay dib u dhiska iyo maaraynta waxbarashada dhexe iyo tan sareba (Warbixinta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, 2011). Cilmi-baare Markus Hoehne ayaa sheegay in wixii lagu gaaray sannaddii 2010-kii ay ka samaysmeen Muqdisho darsin jaamacado ah oo ay maal-galiyaan gacantana ku hayaan Soomaalida qurbo joogta ah iyo/ ama hayโado Islaami ah.
Tobankii sano ee tagay si xowli ah u kordhayay waxbarashadii sare. Soomaaliland ayaa waxaa ka hawl-galayay 23 machad, Janaayo sannaddii 2013-kii. Dhanka koonfurta-bartamaha, warbixinti ugu dambaysay ee ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare sannadkii 2011-kii ayaa sheegaysa in 15 jaamacadood ay ka howlgalayeen deegaannadaas.
Xilligaas kaddib waxaa si aan caadi aheyn u kordhay tirada jaamacadaha, sidaa darteed, tirada ardayda dhigata jaamacadaha, tirada kulliyadaha iyo tirada ardayda qalin jabisa intuba kor ayay u kaceen. Maamul-goboleedyada ayaa kaalin kooban ku lahaa walina ku leh marka laga hadlayo sida ay u shaqayso waxbarashada sare. Inta badan jaamacadaha waxaa leh, maal-galiya, maamula, gacantana ku haya, ururo iyo shakhsiyaad kala gaddisan hadday ahaan lahaayeen qurbojoog, ganacsato, bulshada gudaha ku nool, hayโadaha samafalka iyo ururrada Islaamiga ah, iyadoo ay aad u yar tahay ka warqabka iyo kormeerka dawladda ama maamul-goboleedyada.
Dhibaatada ugu wayn ee ka dhalatay fara gelin laโaanta iyo wax iska waydiin laโaantaas ayaa waxay tahay inaysan jirin cid u taagan kormeerka iyo gacan ku haynta tayada adeegga waxbarasho ee ay bixiyaan jaamacadaha ay tiradoodu xowliga u kordhayso. Arrintan ayaa saameyn weyn ku leh tayada waxbarashada,ย qaar badan oo kamid ah ardayda qalin jabineysa waxaa ka maqan xirfaddii looga baahnaa suuqa shaqooyinka, Xaaladda ay ku sugan tahay waxbarashada sare xilligan, Ifafaalaha koboca HWS Xogta laga uruuriyay daraasaddan ayaa sheegaysa in kororka muuqda ee waxbarashada sare ee waddanka ay ahayd tobankii sano ee lasoo dhaafay. 44-ta jaamacadood ee la soo daraaseeyay, 34 ka mid ah ayaa waxaa la aasaasay intii u dhaxaysay 2004 iyo 2012-kii.
Kobocii ayuu hoos u dhac ku yimid intii u dhaxaysay sannadihii 2006 iyo 2010-kii, haddana waxaa dib u billowday kor u kicii intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012-kii. Hal jaamacad oo kaliya ayaa laga unkay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009- kii, kaddib markii ay amni darro xooggani ka dhalatay soo galiddii Itoobiya iyo burburkii Midowgii Maxaakimta Islaamiga.
Dhanka kale, Somaliland iyo Puntland , kor u kaca ayaan waxba iska baddalin illaa sanaddii 2011-kii. Shanta jaamacadood ee la aasaasay sannaddii 2012-kii ayaa dhammaantood ku yaal koonfurta-bartamaha, waxayna ahayd tiradii ugu badnayd ee HWS cusub laga aasaaso deegaankaas, iyadoo laysku raacsan yahay in waddanku uu lahaa hal jaamacad oo qura wixii ka horreeyay burburkii dawladdii dhexe sannaddii 1991-kii, astaamo horumar ayaa si xooggan looga dheehday koonfurta-bartamaha, Puntland iyo weliba Somaliland.
Natiijadan ayaa waxaa loo aanayn karaa labo sababood. Midda hore, in horumarkan waxbarashada sare uu la jaanqaadayo midka ka soo if-baxayay waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Tan labaad, in maqnaanshaha dowlad dhexe iyo maamullada hoose ee deegaannada oo aan awood buuran lahayn ay dhiirro galisay in si gaar ah loo maal-gashado adeegyaddi bulshada oo ay waxbarashadu ka mid tahay. taas ayaa waxaa ka dhalatay in koboca nidaamka waxbarashada sare ee sida gaarka ah loo leeyahay, badeeco ahaan looga ganacsado, halka ay ka ahayd adeeg bulsho oo loo siman yahay, sidaa darteed ayaa waxaa suuqa waxbarashada ku soo biiray maal-gashadayaal.
Tirada ardayda Jaamacadaha ayaa waxaa laga codsaday tirada ardayda is diiwaan galisay xilliga la sameeyay waraysigan. Tirada guud ee ardayda ka diiwaan gashanaa 44-ta jaamacadood bishii June 2013 ayaa ahayd 51,471. Tirada ugu badan ardaydan waxaa ay ka diiwaan gashanaayeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda 8 jaamacadaha ku yaalla koonfurta-bartamaha dalka (25,147), waxaana ku xiga Soomaaliland oo iyana ay ka diiwaan gashanaayeen (18,223), iyo Puntland oo ah (8,101).
F.G..Warbixintaani waxaa la sameeyay 2010 ilaa 2013-kii.
La soco qeybta 5-aad