Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)
MaqaalladaWaxbarashada

Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 10, 2023
9 Min Read
Share

HORDHAC

Tacliintu Waa nidaamka Waxbarasho ee wadanka Soomaaliya. Sida saxda ah, Wasaaradda Waxbarashada ayaana ka mas’uul ah dhammaan tacliinta iyo waxbarashada wadanka Soomaaliya, taasi oo ay ku baxdo qiyaas ahaan ilaa 15% miisaaniyada dowladda.

Waxbarashada Soomaaliya caadiyan ilaa askunkii taariikhda waxay waxbarashada ku salaysnayd barashada Qur’aanka iyo guud ahaan diinta. Xiligii degta ama bulsho wada dagan ay abuurmatay, waxaa waxbarashada ku soo kordhay aqoonta bay’ada iyo ka faa’iidaysiga cilmigi falaga aqoontaas oo ahayd mid jiilba jiil u gudbiyo. Soomaalida oo ah dad allif badan, xagga xasuusta iyo xifdigana ku wanaagsan, waxaa degmo walba u hana qaadi jiray ragg ama dumar loogu yimaado aqoonta ansixisa geedi socodka wanaagsan iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha, sida reerka xagee buu u guuri sanadkan iyo colaada iyo colkana soo hayo xagee baan kaga fogaanaa. Dhaqanka Islaamka oo ah mid bara shaqsiga iyo bulshada dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ee maslaxada ugu jirto.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA GUMEYSIGA KA HOR

Waxbarashada cilmiga diinta iyo aqoonta kale ee Sayniska iyo Tiknolojiyada ,waa kuwo la soo ifbaxay  abuuritaankii  aadanaha oo wehel  looga dhigay duni ka kooban dhul Berri ah,Bad iyo Cir, islamarkaana u baahan in mid kasta loo derso qaab sameyskiisa, laguna maareeyo nolosha guud, iyadoo laga fogaanayo ama laga hortagayo intii surtagal ah caqabadaha ku xeeran dabeecadaha koonka, iyadoo Bulshada Soomaaliyeed  ay ka mid tahay shucuuubta caalamka ee soo maray barashada heerarka kala duwan ee loo qaato nuuucyada aqoonta,haddeey ahaan laheyd midda oraahda ee lagu gudbiyo Afka  iyo tan qoraalka oo la helay xilligii hore ee bilowga Aadanaha.

Waxaa dhab ah oo marag-ma doonto ah in  Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya laga dheehan karo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Waxbarashada, inkastoo aragti ahaan lagu kala duwan yahay xilligga  ay soo bilaabatay Waxbarashada bulshada Soomaalida oo dadka qaar ayaa qaba in ay la fac tahay dhalashada diinta islaamka, halka kuwo kale ay rumeysan yihiin in ay soo jirtay 3-kun oo sano ka hor.

Marka laga yimaado taariikhda barashada qoraalka cilmiga ka sokoow, dadka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay ahaayeen kuwa aqoon gaar ah u lahaa barashada cilmiga falagga iyo aqoonta nuucyada dhirta ee loo isticmaalo daaweynta iyo kuwa lagu sumeeyo xayawaanada ama dagaalada cadowga.

Aqoonta ama Waxbarashada laga kala dhaxlo waxaa soo gala yeelashada qoys walba ama degmo walba waxaa ay ku qasbanayd inay yeelato odayaal magac iyo maamuus leh oo ka taliya samaha degta iyo deggaha dariska la ah ama bulshada guud ee haybta ama deegaanka baahsan wadaagta. Tacliintaan waxay ka bilaabanaysay, kow barashada diinta, labo fariisiga, geedaha garta lagu gooyo ama guryaha Caaqilida oo mar walba laga faa’iido taariikhdii hore iyo saadaashu waxay tahay.

Takhasus la barto ayay noqdeen dhamaan adeegyada xirfada ku salaysan sida abaanduulenimada iyo u dhuun daloolidda heshiisyada iyo cilaaqaadka waara. Berigii dambe ee ay qeexnaatay Waxa bulsho ay tahay iyo hogaankeeda, iyo tartankii ka samata bixinta bulsahda dhibaatooyinka soo noq-noqda. Waxaa dadaalkaa horseed u noqday hogaankii ka jiray Khaliifada Islaamka. Waxaa bilowday in cudurada faafo karantiil lagu sameeyo iyo ka hor tagooda, sidoo kale waxaa ballaartay qiimaynta dadka cudurada dabiibiya oo uu ugu horreeyay Nebigeena suubanaa Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee. Laga soo bilaabo dhalashii diinta ayaa horumar muuqada laga gaaray arimo badan oo nolosha bulshada la xariira. Yaraynta gaajada, barashada taxadarka guud iyo is daaweynta intaba Sunnada ayay ku jiraan.

Tacabka beeraha, gaashaandhiga iyo abuuris ama tartan gaashaanbuur ayaa meel walba ka bilowday. Kacaannadii la soo maray waxaa ugu horreeyay Kacaankii Beeraha. Muddo hadda laga joogo 1200 (kun labo boqol) oo sano ayay deegaanada waaweyn ee hadda Soomaalida degan tahay waxaa ka bilowday in aqoon sideedaba la qiimeeyo. Noloshii ayaa u kala baxday reer magaal iyo reer guuraa.

Dad badan oo socoto ah, dowlado iyo Boqortooyo awood leh oo  xiriir la lahaa Soomaaliya, ama qaab ganacsi kala dhexeeyay ayaa ka qeyb qaatay faafidda Waxbarashada cilmiga ee dadka,waxayna dalka ku soo gashay seddex weji , tusaale ahaan dhulka  waxaa aqoontu ay ku soo hormartay Magaaloyinka xeebaha leh ee dalka. Magaalooyinka dhul xeebeedyada ah ee ay ka bilaabatay barashada diinta islaamka, waxaa ugu muhiimsan ee laga soo qaadan karaa Seylac, Berbera, Warshiikh, Banaadir, Marka, Baardheere iyo kuwo kale, halka deegaanada Beeraleyda ah iyo Baadiyahaba ay ku timid  si gaabis ah.

kun iyo afar boqol oo sano ( Kun Afar Boqol oo sano) muddo laga joogo, ayaa lagu qiyaasaa in dadka Soomaaliyeed ku soo baraarugeen markii ugu horreysay qoraal rasmi ah oo loo adeegsado barashada diinta islaamka iyo kutubka Qu’raanka ah, iyadoo faafidda diinta ay door muhiim ah ku lahaayeen culumaa-udiin badan oo ay ka mid yihiin;- Sheekh Yuusuf Al-kowneyn, Sayid Maxamed C/lle Xasan , Sheekh Bashiir, Sheekh Xasan Barsane, Sheekh Daa’uud Culusoow iyo kuwo kale.

Macallinka ayaa ahaa xubinta ugu firfircoon ama ugu muhiimsan bulshada Soomaaliya, isagoo kaalintiisa matalaadda lagu tilmaamo Aabaha labaad ee xagga tarbiyeynta Ubadka, waxaana aqoonta kala duwan ee ay lahaayeen macalimiinta Soomaaliyeed ee xilligaa lagu tilmaamay in ay gaarsiisneyd heerarka  Jaamacadaha Al-azhar(Nasar) iyo tan Sacuugiga ee Umul Quraa .

WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII GUMEYSIGA

Laga soo bilaabo sanadkii 1884-tii oo aheyd markii Gumeysigii reer Yurub,gaar ahaan dalalka Ingiriiska,Faransiiska iyo Talyaaniga ay  qaybsadeen dhulka Soomaaliya, Jabuuti, Waqooyi iyo Koonfurta. Gumeystihii ayaa waxay dhammaan dhulalkii ay qeybsadeen ka bilowday Waxbarasho kooban oo ujeedada laga lahaa ay aheyd sidii loo heli lahaa dad tarjubaano ah oo isku xira gumeysiga iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo meelmariyo damaca been abuurka ahaa ee ay lahaayeen dalalka reer Yurub iyo hadafkooda gurracan ee ay ka lahaayeen xeebaha Badda cas, Hindiya iyo tan Medetereniyanka, gumeyste walba waxa uu watay manhaj isaga u gaar ah iyo Luuqaddiisa, mana bari jirin wax ka baxsan Karaaninimo, Cunto kariye iyo Waardiye.

Dalalkii reer Yurub ee qabsaday Geeska Afrika,waxa ay deegaanada Jabuuti, Woqooyi Galbeed iyo Koonfurta Sooomaaliya ka bilaabeen dhismaha dugsiyo ku dhexyaal Kaniisado oo ay maamulaan Wadaado Kirishtaan ah, si loo helo caruur lagu barbaariyay diintooda iyo kuwo u khidmeeya gumeysiga, waxaana aalaaba goobahaasi Waxbarasho la geyn jiray Ubadka ay dhalaan shaqaalaha dalalkaasi iyo ilmaha  darbiyo jiifka ah ee aan laheyn meel ay u ciirsadaan.

Mashaa’iikh fara badan oo taageero ka heysta dadka Soomaaliyeed ayaa u istaagay in ay ka hortagaan qorshaha gumeysiga ee uu ku doonaayey in uu ku helo caruur badan oo raacsan diinta Kirishtaanka, waxaana qaar ka mid ah ay kala horyimaadeen dagaal toos ah oo ay la galeen gumeysigii Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxayna u diideen inay Ubadkooda geeyaan Dugsiyadaasi.

Dagaalkii 1-aad iyo kii 2-aad ee dunida kadib, caalamka waxaa soo maray ama ku dhuftay  dabeyl caafimaad oo wadata xorriyad,,taasoo qasabtay in dalalka Yurub  ay la soo baxaan xeelado cusub oo lagu yareynaayo cadaadiska ay ku hayeen dadka la gumeysto, waxayna hirgaliyeen Machadyo iyo goobo Waxbarasho oo ay ku aflaxeen dhallinyaro badan oo Soomaali ah, sida dugsiyada Camuud iyo Sheekh oo ku yiilay gobolada Waqooyi iyo kuwo dhaca gobolada Koonfureed ee gumeysiga Talyaaniga ay ka hirgeliyeen Banaadir, Marka, Jowhar, Kismayo, Hiiraan, Beydhabo iyo kuwo kale, mana jirin xilligaasi wax Tacliin sare ah, waxaase Ardeyda ka baxda Dugsiyadooda loo qaadi jiray Wadamada Dibadda.

Dadka fara ku tiriska ah ee laga dhaxlay aqoonta maadiga ah, isla markaana wax bartay xiligii gumeysiga,loona aqoonsaday Aabayaasha Waxbarashada waxaa ka mid ah;- Max’uud Axmed Cali oo ka soo jeeda gobolka Woqooyi galbeed iyo Macallin Jaamac Bilaal oo reer Koonfurta ah, kuwaas oo dalka ku baahiyey tacliinta casriga ah ee haatan lagu dhigto dugsiyada dalka, waxaana lagu tilmaamaa Aabayaashii Waxbarashada Dalka Soomaaliya.

La soco qeybta 2-aad.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sooyaalka Taariikhda waxbarashada Soomaaliya (Faallo)

Hordhac Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan. Wixii ka horreeyey qabsashadii gumeystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii…

Maqaallada
March 24, 2025

Bulshada Shiinaha iyo Afrika oo  leh mustaqbal wadaag.

shirkii saddexaad ee Golaha Shacabka Qaranka ee 14-aad ee Shiinaha, shir jaraa'id oo diiradda lagu saaray arrimaha diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha…

Maqaallada
March 28, 2025

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad  

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli…

GudahaMaqaallada
July 16, 2023

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 5-aad

Dawladdu waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso Ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka…

MaqaalladaWararka
July 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023