Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 8- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xaradheere,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhahar ay keensadeen 4-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Xaradheere iyo Dhahar ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ((Semi Final) ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 4 degmo.
ย Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinkaย Ceeldheerย iyoย Xamarweyneย oo ka kala tirsan Gobolladaย Galgaduudย iyoย Banaadir.