Tartamayaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Warsheekh ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 12 dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Kismaayo,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Warshiikh ay keensadeen 10 dhibcood.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka tartanka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Caawa kulanka ama tartanka 7-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Bardaale iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.