Muqdisho.SONNA… Tartamayaasha Degmada Kaxda ayaa xalay u gudubtay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka,kadib markii ay 10-dhibcood kaga guuleysteen koox ku tartameysay magaca Degmada Daayniile.
Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda iyo Daaymiile ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii inta uu socday tartankaasi.
Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 10-08 oo ay guushii ku raaxday Degmada Kaxda,iyadoo mudada uu socdo tartanka cilmiyeedka bisha Ramadaan ay si wadajir ah xil isaga saareen Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Caawa tartanka 5-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobley oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.