Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 8- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhuusamareeb ay keensadeen 6-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Dhuusamareeb ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay.