Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)
GudahaMaqaallada

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

By Kulane
Last updated: May 30, 2021
6 Min Read
Share

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul bulshao iyo mid dowladnimo, oo horseeda in la gaaro xal oo loo daneeyo umadda.

Marka laga yimaado shirkii wadatashiga ee hiigsiga cusub oo ahaa kii ugu  dambeeyay ee dhacay 2015-kii,waxaa afartii sano ee la soo dhaafay gudaha dalka iyo dibadda ka qabsoomay kulammo u dhexeeyay madaxda Dowladda Fedraalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka,kuwaas oo la xiriiray sii ambaqaadidda qodobo horay u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen  xoojinta amniga,kobcinta dhaqaalaha, dedejinta dhismaha ciidamado isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyin la isla wada ogol yahay .

Inkastoo sanadkii tagay iyo horaantii sanadkaan ay dhaceen buuq iyo hakad hareeyay shirar dhowr ah,haddana,kualamadaasi wadatashiga waxay soo mareen marxaladaha soo socda”.

December 6, 2017-kii waxaa Magaalada London lagu qabtay  wajiga 2-aad ee shirkii wadatashiga arrimaha Soomaliya, waxaana kulankaasi uu noqday mid miro dhal ah, Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

18-kii Agoosto 2018-kii waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii wadatashiga oo ku saabsanaa diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.

15-kii Maarso 2020 ,waxaa Magaalada Garowe lagu qabtay shir wadatashi ah oo ay ka qeybgaleen xubnaha Puntland ku matala Dowladda Federaalka ee Soomalaiy,waxaana shirkaasi lagu fallanqeeyay xal u helidda khilaafka u dheeyay Dowladda Federaalka iyo kan Puntland.

September 17, 2020 waxaa qabsoomay Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ,kaas oo ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17-kii,waxaana uu daba socday shirar ka dhacay Dhuusamareeb oo lahaa wajigii koowaad,labaad iyo sadexaad.

February ,3- 5-tii , 2021,waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay shirkii wadatashiga ee Madaxweynaha iyo madaxda maamul-goboleedyada ,wuxuuna gabagabadii keenay khilaaf dhaliyay in lagu kala dareero.

6-dii February 2021- Madaxweyne Farmaajo ayaa la hadlay Golaha Shacabka, isagoo Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay masuuliyadda fashilka shirkii Dhuusamareeb.

10-16-kii Febaraayo 2021-ka ,waxaa Magaalada Baydhabo  lagu qabtay Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka,kaas oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyin laga soo gudbiyay, qaar ka mid ah xubnaha guddigga doorashooyinka ,,kuraasta Somaliland,Xaaladda Gobolka Gedo ,Adkaynta qoondada haweenka iyo diyaarinta Jadwalka qabsoomidda doorashada.

22-kii March 2021 –Waxaa mar kale Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Xarunta Afisiyooni ka furmay Shirkii Wadatashiga Qaran oo horay u baaqday 15-kii February 2021.

7 April 2021- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii,sababna ay u yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland.

12-kii Apriil ee sanadkaan,Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay muddo laba sano ah oo lagu kordhiyay muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,taasina waxay dhalisay in tallaabadaasi ay diidaan madaxda mucaaradka iyo beesha caalamka.

1-dii May 2021, Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka ka dalbaday in laga noqdo xeerkii muddo kordhinta,wuxuuna arrimaha doorashooyinka ku wareejiyayRa’iisul Wasaare Rooble,iyadoo isla maalintaasi Golaha Shacabka ay laaleen muddo kordhintaasi.

Haddaba,Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi oo la xiriiray dhameystirka shirar taxane ahaa iyo qabashada hannaan doorasho oo ay ku wada qancaan Madaxda Dowladda Federaalka, kan Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socday mudadii u dhaxeysay 22-ka illaa 26-ka bishaan,waxaa saxiixa heshiiska doorashooyinka dalka qallinkana ku duugay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble,Madaxweyneyaasha Dowladgoboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa dhab ah in hogaamiyaasha dalka ay la yimaadeen  isu tanaasul iyo wax wada qabsi ku aadan qaabka loo socodsiinayo arrimaha doorashooyinka ,iyadoo la qaadayo hal waddo oo lagu ilaaliyo danta guud ee dadka iyo dalka .

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida iyo waaya aragnimada bulshada ee laga dhaxlay waqtiyadii la soo maray,waxay na tusayaan in xilligaan laga gudbay caqabado iyo turaanturooyin ku gudbanaa geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah oo ka duwanaa shirarkii hore, una dhacay si habsami leh ,waxa uu suurtagaliyay in loo hogaansamo shuruucda dalka, laguna dhaqaaqo qabashada doorashooyin madaxtinimo oo horseedda dhismaha dowlad sal adag oo u adeegta dadka ,dalkana gaarsiisa barwaaqo.

Bacdamaa, wadatashigu uu yahay mid qeyb ka ah aasaaska hannanka dowladnimo,isla markaana lagu saxo maaulka qaranimo,waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha Soomaalida waqtigaan ay garteen danta guud,loona xilsaaran karo masiirka umadda iyo horumarka dalka.

Wadatashiyada xilligaan ee ka dhacay  gudaha Dalka Soomaaliya,waxa ay keenayaan in dadka Soomaaliyeed ku midoobaan dantooda,isla markaana laga baxo marxaladda cakiran ee siyaasadda, colaadaha sokeeye iyo in la xoojiyo dhismaha Qaranka Soomaaliya.

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa,sidaa aawaded, waxaa farxad ah in gunaanadkii shrka ay ka soo baxeen go’aanno qiimo leh oo wax dhisa iyo xal waara oo lagu badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn shacbiga Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,gacanna ka geystaan dadaalka dowladdu ay ugu jirto soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta sharciga.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Kampala-(SONNA)-Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka dalka aan…

GudahaWararka
May 24, 2023

Golaha wasiirada XFS oo caawa yeeshay Kulan Deg deg ah

Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg…

GudahaWararka
August 6, 2024

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 7, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo…

GudahaWararka
January 13, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023